28.7 C
Mogadishu
Friday, November 28, 2025

Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Soomaalida iyo Trump oo weji cusub yeelatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Minneapolis (Caasimada Online) – Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota, Keith Ellison, ayaa shaaca ka qaaday in xafiiskiisu uu heegan u yahay inuu tallaabo sharci ah qaado, haddii Madaxweyne Trump uu ku dhiirrado fulinta ballanqaadkiisii ahaa inuu Soomaaliya ka saaro liiska dalalka ay dadkoodu Maraykanka kaga joogaan sharciga magan-galyada ku-meel-gaarka ah (TPS). 

Isagoo ka barbar hadlayey hoggaamiyeyaasha Xisbiga Dimoqraadiga oo bannaanbax ku qabtay dhismaha Xarunta Gobolka (State Capitol), ayuu Ellison si cad u sheegay in Trump uu “baal-marsan yahay sharciga,” islamarkaana uu xafiiskiisu “rog-rogayo dhagax kasta iyo xulasho walba oo miiska saaran si looga hortago khatartan.”

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Trump uu baraha bulshada ku baahiyey toddobaadkii hore inuu “si degdeg ah” u joojin doono barnaamijka TPS ee Soomaalida Minnesota, isagoo u muuqday mid cuskanaaya kiisaskii musuq-maasuqa ee ay ku lug yeesheen dad asalkoodu Soomaali yahay.

In kastoo badankooda Soomaalida ku nool Maraykanka iyo gobolka Minnesota ay yihiin muwaadiniin haysta dhalashada dalka, haddana TPS-tu waxay fursad siisaa dadka aan haysan sharciga degganaanshaha rasmiga ah (Green Card) inay dalka sii joogaan haddii waddankoodii hooyo loo arko mid halis ah.

“Tani waa wax lala yaabo, waa arrin siyaasadeysan, waana khalad cad,” ayuu yiri Ellison. “Laakiin xeeladdan Trump waa mid hore loo bartay, waana dhaqankiisii aan lala yaabin.”

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo uu Trump kaga dhawaaqay go’aankan baraha bulshada, haddana tallaabo kasta oo lagu soo afjarayo TPS-ta waddan—oo ay Soomaaliya ku jirto—waa inay soo martaa Wasaaradda Amniga Gudaha (DHS), iyadoo la bixinayo ogeysiis 60 maalmood ah. Go’aankaasna ma noqon karo mid ku kooban hal gobol oo kaliya, balse waa inuu saameeyaa dalka oo dhan. Tusaale ahaan, isla Isniintii, waaxda Amniga Gudaha waxay soo saartay ogeysiiskan oo kale oo 60 maalmood ah oo TPS-ta looga saarayo dalka Myanmar.

Tan iyo billowgii muddo-xileedkiisii koowaad, maamulka Trump waxa uu wajahay caqabado sharci oo badan oo la xiriira isku-daygiisa ku aaddan joojinta TPS-ta dalal dhowr ah. Bishan gudaheeda, maamulku wuxuu ku guuleystay inuu soo afjaro TPS-tii dalka Venezuela kaddib go’aan ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Maraykanka, halka isku-dayga Suuriya liiska looga saarayo uu weli horyaallo maxkamadaha.

Xoghaya Amniga Gudaha, Kristi Noem, oo toddobaadkan booqasho ku timid Minneapolis, ayaa sheegtay in hay’addeedu ay raaci doonto nidaamka sharciga ah ee saxda ah ka hor inta aysan gaarin go’aan ku saabsan maqaamka TPS-ta Soomaaliya. Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay la siiyey maqaamkan sannadkii 1991-kii, xilligaas oo uu dalka ka qarxay dagaalkii sokeeye.

“Barnaamijkan looguma talagalin magangalyo rasmi ah (Asylum). Ujeedku wuxuu ahaa in la hirgeliyo marka ay dhacaan dhacdooyin gaar ah, waana mid ku-meel-gaar ah; qiimeyntuna taas ayey ku saleysnaan doontaa,” ayey tiri Noem, iyadoo raacisay: “Waxa ay eegi doonaan ayaa ah in sababihii jiray 30 sano ka hor markii go’aanka la gaaray ay weli taagan yihiin, iyo in shakhsiyaadku ay weli u qalmaan barnaamijka TPS.”

Dhinaca kale, bannaanbaxii ka dhacay dhismaha Capitol-ka subaxnimadii Isniinta, hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga ee Minnesota ayaa ku eedeeyey maamulka Trump inuu Soomaalida ka dhiganayo “Gabbood siyaasadeed” si uu danihiisa ugu fushado.

Shir jaraa’id oo ay qabteen kaddib, Xildhibaanad Ilhan Cumar iyo xubno ka tirsan sharci-dejiyeyaasha gobolka ayaa si kulul u cambaareeyey isku-dayga bulshada loogu xambaarinayo mas’uuliyadda wadareed ee fadeexadaha musuq-maasuq, sida kiiskii “Feeding Our Future.” Waxay xuseen in dadka kiisaskaas ku eedaysan ay yihiin in yar oo faro-ku-tiris ah marka la barbardhigo tobannaan kun oo Soomaali-Maraykan ah oo si sharaf leh ugu nool Minnesota.

“Waxa uu madaxweynaheennu ugu jecel yahay waa abuurista fowdo iyo jahwareer,” ayey tiri Ilhan Cumar. “Waan aaminsanahay in ay jiraan dad xiriir la leh madaxweynaha oo doonaya guul siyaasadeed, waxayna u qaateen in beegsiga TPS-ta Soomaalida ay guushaas ku heli karaan. Guusha ay raadinayaan waa in si uun ay dhalashada nooga xayuubiyaan dhammaanteen, laakiin nasiib-darro ma heli doonaan guushaas. Annaga (xildhibaannada ah) midnaba kuma joogo TPS. Dhammaanteen waxaan nahay muwaadiniin u dhashay dalkan.”

- Advertisement -

Read more

Local News