27.1 C
Mogadishu
Monday, January 19, 2026

Wararkii ugu danbeeyay ee dhaqdhaqaaqa shirka wasiirada ee Kismaayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online)n- Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ku sugan Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada Xukuumada.

Ra’isul wasaare Kheyre iyo Golihiisa Wasiirada ayaa maanta oo Khamiis ah Shirkooda todobaadlaha markii ugu horeeyay ku qabsan doona magaalada Kismaayo.

Shirka Golaha ka hor Ra’isul wasaare Kheyre ayaa Saaka kulan la qaadan doona Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo si guud ay uga wada hadli doonaan qodobada uu khuseeyo Shirka.

Wasiirada ayaa iyaguna shirka kadib kulamo la qaadan doona Wasiirada ku howsha ah ee uu leeyahay maamulka, iyadoo laga wada hadli doono howlaha shaqo.

Waxaa si weyn loo adkeeyay ammaanka Magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland, oo saacadaha soo socda ee maanta lagu wado inuu ka furmo Shirka Golaha Wasiirada.

Amaanka ayaa waxaa si wada jira u sugaaya Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya oo lagu daadiyay dhamaan xaafadaha kala duwan ee Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale, waxaa aad u yar dhaqdhaqaaqa guud ee Magaalada Kismaayo, waxaana hakat ku jira isu socodka Gaadiidka iyo Shacabka.

Talaabadani ayaa noqoneysa tii ugu horaysay waxaana sidoo kale lagu wadaa in Shirka Golaha Wasiirada uu todobaadyada danbe ka dhaco mid kamid ah caasimadaha maamul Goboleedyada dalka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News