Muqdisho (Caasimada Online)-Wararkii ugu danbeeyay ee kasoo baxaaya Weeraradii ismiidaaminta ahaa ee Caawa ka dhacay Hoteel SYL iyo Beerta Nabada ayaa sheegaya inuu ka dhashay khasaaro aad u badan.
Dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ayaa u badnaa Ciidamo ka tirsan Dowlada iyo dad shacab ah, kuwaasi oo kuwada sugnaa goobta weerarka lagu qaaday.
Inta la ogyahay labada weerar ayaa waxaa ku dhintay 33 ruux oo u badnaa shacab.
Dhaawaca ayaa waxaa loo daabulay Goobaha Caafimaadka, halka dadka ku dhintay Ismiidaamintuna ay halkaasi ka qaaden ciidamadii ka badbaaday weerarada.
Dhaawacyada qaar ayaa u dhintay gargaar la’aan waxaana xusid mudan in Isbitaalada magaalada Muqdisho ay xiran yihiin maalinta Jimacada, taasi oo sabab u noqotay in dhaawacyada qaar ay dhiigbax u dhintaan.
Dhanka kale, weerarkaani ayaa waxa uu iftiiminayaa habacsanaanta laamaha amniga DF, waxa ayna dadku is weydinayaan sida uu amaanka Muqdisho noqon doono xiliga doorashada oo fooda nagu soo heysa.