28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Wararkii ugu dambeeyay ee qaraxa diyaaradda DAALLO iyo wasiir ka tirsan xukuumadda oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno dhanka xubno ka tirsan Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in Qaraxii ka dhex dhacay diyaarada Daallo uu tuhun ku yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Somalia, C/salaan Hadliye.

Ninka fuliyay Qaraxaasi oo lagu magacaabi jiray Cabdullahi Cabdisalaan Boorle, ayaa sida ay xubnahaasi sheegayaan waxa uu abti u ahaa Wasiirka arrimaha Dibadda Somalia, waxa ayna wada kulmeen saacado un yar ka hor xiliga uu Qaraxa dhacaayay.

Goobta uu fadhiyay Boorle, ayaa waxaa Qaraxa kadib laga helay warqado ay is dhaafsadeen Wasiir Hadliye iyo Naftii halige Boorle.

Wasiirka Wasaarada Gaadiidka iyo Duulista hawada ee Xukuumada Somalia Cali Jaamac Jangeli, ayaa Xukuumada ka hor cadeeyay in Cabdullahi Cabdisalaan Boorle uu ahaa shaqsiga fuliyay Qaraxa, kadibna ka dhacay diyaarada.

Jangeli waxa uu sheegay in Boorle uu ku dhashay magaalada Hargeysa Sanadka markii uu ahaa 1960, waxa uuna farta ku goday in wali uu socdo baaritaanka.

Warar hordhac ah oo laga helaayo dhanka Baarayaasha diyaarada ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday Laptop uu watay Boorle, waxa uuna qorshuhu ahaa in diyaarada oo idil la wada gaarsiiyo Qaraxa hayeeshee Qaraxa uusan dhicin xiligii loogu tallo galay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News