Warbaahinta UGANDA oo baahisay talo cajiib aheyd oo MUSAVENI uu siiyay madaxweyne Farmaajo

Kampala (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Uganda ayaa baahisay  hadal ay kasoo xigteen madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni oo ahaa talooyinka cajiib ahaa oo uu siiyay madaxweyne Farmaajo.

Qoraalka ayaa warbaahinta dalka Uganda waxay ku sheegeen in madaxweynaha Uganda uu kula taliyay madaxweyne Farmaajo inuu sameeyo ciidamo u abaabulan qaab maleeshiyaad ah, kuwaasi oo ugu dambeyn isku badala ciidan qaran.

Madaxweynaha Uganda ayaa sheegay in ciidamadaasi ay u baahan yihiin inay helaan tababaro kala duwan kuwaasi oo ugu dambeyn la qarameyn karo si ay amaanka ugala wareegaan ciidamada AMISOM.

Kulan gaar ah ayaa magaalada Addis Ababa ku dhexmaray madaxweynaha Uganda iyo madaxweynaha Soomaaliya waxaana kulankaasi ay kaga hadleen xiriirka labada dal iyo sidii loo wanaajin lahaa.

Madaxweyne Musaveni ayaa todobaad kahor Soomaaliya ku tilmaamay dal uusan  ka jirin nidaam dowladeed waxaana arintaasi ay dhalisay caro badan oo Soomaalida ay ka qaadeen hadalkaasi.

Uganda waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamada ugu badan ee qeybta ka ah AMISOM waxaana hadda socda dadaaladii ugu dambeeyay ee bixitaanka ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Kampala
Caasimada@live.com