Warbixin: Axmed Madobe oo taageero aan marnaba laga fileyn u muujiyey…!

Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka hadlay shirka maamul usameynta saddexda Gobol ee koonfurta dalka Soomaaliya, kaasi oo ka socda Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.

Shirjaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Kismaayo ayuu Axmed Madoobe wuxuu ku muujiyay sida uu u taageersan yahay shirka maamul usameynta saddexda Gobal ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

“Waxaan rabaa inaan u hambalyeyo walaalaheena Baydhabo fadhiya ee dhisaya Maamulka saddexda Gobal ee shalay Dastuurka ansixiyay waxaan leeyahay Hambalyo”Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Nidaamka Maamul Gobaleedyada ayuu sheegay in hadii dhamaan Gobalada dalka Soomaaliya lagawada hirgeliyo in Soomaaliya ay isugu imaaneyso nidaamka federaalka ee uu dalka ku shaqeeyo.

Inkastoo Axmed Madoobe uu taageeray shirka Maamul usameynta saddexda Gobol, ayaa hadana waxaa xusid mudan in Baydhabo uuka socdo shir maamul loogu sameynayo lix Gobol oo koonfurta Soomaaliya ku yaala.

Dowladda Soomaaliya ayaa aqoonsatay Maamulka KMG ee Jubba oo uu madax ka yahay Axmed Madoobe, waxaana maamulkaasi uu ka taliyaa Gobalada Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com