Warbixin caalami ah: Ma dhab baa in Somalia ay ka nabad fiican tahay Kenya, Uganda & Burundi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Qiimeyn Sannadeedka Nabadda magaallooyinka Caalamka ayaa la soo bandhigay maalintii Arbacadda ee la soo dhaafay.

Hay’adda Gallup oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay Qiimeyn Guud ku sameeyeen 141 Waddan, oo lagu ogaanayo qaabka ay Magaallooyinka Caalamka ugu kala sarreeyaan dhinaca Nabadda.

Hay’adda Gallup oo Xarunteeda Dhexe ku taallo caasimadda dalka Maraykanka ee Washington ayaa waxay ka shaqeysaa Cilmi-baarista Caalamka iyo La-talinta, ayaa waxay caan ku tahay Ururinta Macluumaadka Sahminta Codadka Dadweynaha.

Hay’adda oo uu sannadkii 1935-kii asaasay George Gallup ayaa waxay Qiimeynta Sannadkan 2015-ka ku sheegtay inuu dalka Somalia ka mid yahay dalalka uu amnigu ka jiro, marka loo eego dalalka kale ee Qaaradda Afrika.

Warbixinta oo ay qortay NANCY AGUTU oo ka tirsan Hay’adda Gallup ayaa lagu muujiyey Horumarka Ammaanka Waddamada Caalamka.

Warbixinta ayaa waxay si gaar ah uu soo jiidanaysaa Heerka Ammaanka ee dalka Somalia, oo laga fahmi karo inay Nabadda Somalia ka heer sarreyso dalalka ku yaalla Geeska Afrika.

Warbixinta ayaa lagu sheegay inay Somalia kaalinta 72-aad kaga jirto Qiimayntaasi, halka Kenya ay Kaalinta 118-aad ka jirto Qiimeynta Guud ee Nabadda 141-Waddan.

Warbixinta ayaa lagu xusay in Kenya ugu ammaan hooseyso marka la barbar dhigo dalalka deriska la ah.

Waddanka Singapore ayaa la sheegay in Kaalinta Koowaad kaga jirto Qiimaynta Ammaanka dalalka Caalamka, iyadoo ay dadka Reer Singapore 91% ku naaloodaan nabad iyo deganaansho marka ay habeenkii keli u socdaan.

Waddamadda Uzbekistan iyo Hong Kong ayaa iyagana ku xiga Waddamadda ku caana-maala Nabadda.

Dalka Linberia ayaa lagu tilmaamay dalka ugu nabadda xun Caalamka oo idil.

Waddanka Zambia waxay ku jirtaa Kaalinta 122-aad, waxaana ku xiga Nigeria.

Uganda kaalinta 131-aad, Botoswana 134-aad, South Sudan 136-aad, halka South Africa ka gashay Kaalinta 138-aad.
Waddanka Rwanda ayaa waxa uu yahay Waddanka ugu nabadda fiican Qaaradda Afrika.

Waddanka Masar kaalinta 31-aad, Ethiopia 46-aad, Burkina Faso 53-aad, Somalia 72, Ghanda 89, Tanzania 89, Burundi 110.

Xigasho: Gallup Report

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com