Xog cusub: Xildhibaano adeegayaal u ah Axmed MADOOBE oo billaabay arrin cusub oo halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan BF Somalia ayaa gaaray gobolka Bakool gaar ahaan degmada Ceelbarde.

Wafdigaani ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho waxa uuna ujeedkooda ugu weyn yahay inay kulamo la qaatan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka oo mudooyinkaani danbe ka cabanaayay Maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Xildhibaanadaasi ayaa ka kooban ilaa 7 Xubnood waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin iyo Boqolaal shacab ah kuwaasi oo lagu wado inay la qaadan doonaan kulamo gaar gaar ah.

Xildhibaanadaasi waxa ay kasoo jeedan Deegaanada Maamulka Jubbaland waxa uuna ujeedkooda ugu weyn yahay in deegaano halkaasi ku yaalla ay ka hirgaliyaan Fakirka Siyaasadeed ee Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanada gaaray waxaa kamid ahaa C/wahaab Ugaas, Xildhibaan Sanyare, Ahmed Aabi iyo Xildhibaano kale oo iyaguna u adeegayo Maamulka Jubbaland.

Xildhibaanadaani ayaa daacad u ah Maamulka Jubbaland waxa ayna iminka si hoose ula kulmayaan Siyaasiyiinta, Salaadiinta, Odayaasha iyo waxgaradka si ay uga dhaadhiciyaan in Siyaasada Axmed Madoobe laga qaato degmada Ceelbarde.

Dhawaan ayey aheyd goortii Maamulada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland isku qabsadeen Deegaano ku yaalla Xadka kaasi oo ilaa iyo iminka murankiisu taagan yahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com