Magacyada 10 ka mid ah wasiiro xilka weynaya.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa lagu wadaa in dhowaan isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya, waxayna isku shaandheynta cusub ay saameyn doontaa in ku dhow kala bara xubnaha wasiirada ah ee hadda xilka haya.

Qaar kamida Golaha Wasiirada ee ay saameyn doonto isku shaandheynta.

XUBNAHA AY SAAMEYN DOONTO ISKU SHAANDHEYNT CUSUB WAXAA KA MID AH:

1 – Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte
2 – Wasiirka Arrimaha dibadda C/salaan Cumar Hadliye
3 – Wasiirka Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan
4 – Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)
5 – Wasiirka Haweenka Sahra Maxamed Cali Samatar
6 – Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali
7 – Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xersi

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa arrintan kasoo shaqeeyay, waxaana weli la dhameystirin shaqsiyaadkii lagu bedeli lahaa wasiirada xilalka laga qaadayo ee miiska saaran.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay sababta xilka looga qaadayo wasiiradan, laakiin waxaa jira xog hoose oo sheegeysa inay yihiin wasiiro qorsheyaal u gaara wata ama qaarkood ay madax adkaadeen inay fuliyaan rabitaanka madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha.

Isha goobjooge

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com