29 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Warbixin: Calooshood-u-shaqeystayaal jihaadi ah oo u soo ruqaansaday Soomaaliya

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) — Soomaaliya ayaa wajahaysa waji cusub oo halis ah oo ku saabsan dagaalka muddada dheer ay kula jirtay Al-Shabaab, kaddib markii calooshood-u-shaqeystayaal jihaadiyiin ah oo ajaanib ah ay billaabeen in ay dalka ku soo qulqulaan.

Jihaadiyiintan iyo isbahaysi sii xoogaysanaya oo Al-Shabaab ay la leeyihiin fallaagada Xuutiyiinta ee Yemen ayaa dagaalka ku soo kordhiyey khibrad iyo awood milateri oo cusub, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay shirkadda la-talinta amniga ee Aries Intelligence.

Daraasaddan ayaa ka digaysa in khibradda dagaal ee mintidiinta oo markii hore ku koobnayd furimaha dagaalka ee Bariga Dhexe ay hadda ku fidayso Geeska Afrika. Waxay sheegtay in Al-Shabaab ay si isa soo taraysa uga faa’iideysanayaan tababarayaal dibadda ka yimid, hub casri ah, iyo shabakado saadka ah — taasoo u beddeshay kacdoon maxalli ahaa mid leh saameyn heer gobol ah.

Aries waxay isbeddelkan ku tilmaantay soo bixitaanka “xirfadlayaal mintidiin ah”: kuwaasoo ah dagaal-yahanno khibrad ka soo helay dagaalladii Suuriya, Ciraaq, iyo Yemen, haddana u shaqeeya sida calooshood-u-shaqeystayaal madax-bannaan, oo xirfadahooda u fidiya kooxaha xagjirka ah ee Afrika iyo meelo ka baxsan.

Hub lagu beddeshay kaalmo dhanka badda ah

Isbeddelkan udub-dhexaadkiisu waa xiriirka sii qota-dheeraanaya ee u dhexeeya Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta Yemen. In kasta oo ay jiraan kala duwanaansho weyn oo dhanka mad-habta ah — Xuutiyiintu waa Shiico Zaydi ah, halka Al-Shabaab ay yihiin Sunniyiin mayal-adag — haddana labada dhinac waxay dhisteen iskaashi ku dhisan dano wadaag ah.

Kormeerayaasha Qaramada Midoobay waxay sheegeen in Xuutiyiintu ay qoryaha daran-dooriga u dhaca, kuwa boobayaasha, iyo kuwa riddada dheer ay u soo direen Soomaaliya, si ay ugu beddeshaan gacan-siin dhanka badda ah, oo ay ka helaan Al-Shabaab.

Shabakadaha burcad-badeedda Soomaalida, oo weli ka firfircoon xeebaha, ayaa gacan ka geystay abuurista fursado wax lagu tahriibiyo iyagoo meelo kale u weecinaya roondooyinka ciidamada badda ee Gacanka Cadmeed. Baarayaashu waxay xuseen in qaar badan oo ka mid ah hubkan raadkooda laga heli karo keydadka hubka ee Iran — taasoo muujinaysa doorka dadban balse muhiimka ah ee Tehran ay ku leedahay fidinta awoodda mintidiinta meel aad uga fog Bariga Dhexe.

Wada-shaqeyntu waxay ka ballaaran tahay tahriibinta oo keliya. Ilo wareedyo Soomaali ah ayaa u sheegay Aries Intelligence in dagaal-yahanno ka tirsan Al-Shabaab ay u safreen dekedaha ay Xuutiyiintu maamulaan ee Yemen si ay u soo qaataan tababarro horumarsan. Halkaas, tababarayaal ka socda Hezbollah iyo Xuutiyiinta ayaa ku baray adeegsiga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), isku-dubbaridka gantaallada, iyo xeeladaha dagaalka aan isku miisaanka ahayn oo aan hore loogu arag Bariga Afrika.

“Kuwani waa xirfado markii hore u gaar ahaa ciidamada qaran,” ayaa lagu yiri warbixinta. “U soo gudbintooda Soomaaliya waxay ka dhigan tahay koror weyn oo halis ah oo ku yimid awoodda Al-Shabaab.”

Kororkaasi durba waa mid muuqda. Bartamihii 2024-kii, maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay diyaarado is-miidaamin ah (suicide drones) oo lala xiriirinayay keydadka Xuutiyiinta, kuna socday Al-Shabaab. Falanqeeyayaashu waxay qabashadaas ku tilmaameen caddayntii ugu horreysay ee ugu caddeyd ee muujineysa in dagaalka diyaaradaha drones-ka ee qaabka Yemen loo adeegsado uu ku fidayo Soomaaliya.

Sidoo kale, waxaa jira calaamado muujinaya iskaashi toos ah oo ka jira Badda Cas. Isgaarsiin la qabtay ayaa tilmaamaysa in Al-Shabaab ay xogaha sirdoonka iyo bartilmaameedka la wadaageen Xuutiyiinta intii lagu guda jiray weerarro is-daba-joog ah oo lagu qaaday maraakiibta ganacsiga, kuwaasoo isugu jiray gantaallo riddada dheer, diyaarado drones ah oo waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay, iyo doonyo dheereeya.

Qandaraaslayaal jihaadiyiin ah oo la kireysan karo

Aries Intelligence waxay xiriirka Soomaaliya iyo Xuutiyiinta ku saleysay isbeddel caalami ah oo ka sii ballaaran: soo bixitaanka qandaraaslayaasha milateriga gaarka ah ee jihaadiyiinta.

Kooxo sida Malhama Tactical, oo ay aasaaseen dagaal-yahanno Uzbek ah oo ku sugnaa Suuriya, ayaa horseeday qaabkan iyagoo tababaray kooxaha raacsan Al-Qaeda ayna adeegyadooda ku xayaysiiyeen internet-ka. Kuwa kale — sida Muhojir Tactical, Yurtugh Tactical, iyo Albanian Tactical — ayaa ku dayday, iyagoo bixinaya casharro ku saabsan toogashada, dagaalka magaalooyinka, iyo daaweynta goobaha dagaalka.

“Xirfadlayaashan dagaalka waxay khibraddooda ku faafinayaan tababarro toos ah iyo dacaayad dhijitaal ah,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Soomaaliya hadda waxay si rasmi ah ugu xiran tahay shabakaddan.”

Cawaaqibka ka dhalanaya arrintan ee Soomaaliya waa kuwo aad u weyn. Al-Shabaab muddo dheer ayay halis ahaayeen, laakiin khibradda dibadda waxay u suurtagelin kartaa inay adeegsadaan xeelado markii hore loo malaynayay inay ka sarreeyaan awooddooda: sida weerarro isku xiran oo drones ah, weerarro is-miidaamin ah oo dhanka badda ah, iyo weerarro gantaallo ah oo isku dubaridan. Awoodahan oo kale ma aha oo keliya inay khatar ku yihiin ciidamada amniga Soomaaliya ee jilicsan, balse waxay sidoo kale halis ku yihiin marinnada maraakiibta caalamiga ah ee Gacanka Cadmeed, oo ah mid ka mid ah waddooyinka ganacsiga adduunka ugu mashquulka badan.

Soo bixitaanka qandaraaslayaasha jihaadiyiinta, ayay ka digtay Aries, waxay la-dagaallanka argagixisada ka dhigaysaa mid sii adkaada. “Dowladuhu hadda lama tacaalayaan kacdoonno gooni-gooni u taagan,” ayaa lagu yiri warbixinta. “Waxay wajahayaan suuq baahsan oo lagu kala iibsado xirfadaha mintidiinta, kaasoo lagu kala beddesho xirfado si la mid ah fikirka.”

Soomaaliya, oo ay horayba ula daalaa-dhacaysay xasarado siyaasadeed iyo dhaqaale-xumo, uma qalabeysna inay wajahdo Al-Shabaab ay dhiirrigelinayaan tababarayaal iyo hub shisheeye. Falanqeeyayaashu waxay sheegeen in dalku halis ugu jiro inuu noqdo goob lagu tijaabiyo jiilka cusub ee dagaalka mintidiinta — meel casharradii laga bartay Yemen iyo Suuriya dib loogu qorayo carada Afrika.

“Wixii ku bilowday maalgashi ay Iran ku samaysay wakiilkeeda Yemen, ayaa hadda dib u qaabeynaya colaado boqollaal mayl u jira,” ayay warbixinteeda ku soo gabagabeysay Aries Intelligence.

- Advertisement -

Read more

Local News