Warbixin: Fadeexaynta Qadar iyo fashilinta Soomaaliya

Wargeyska “The New York Times,” ayaa qoray warbixin la xiriirta in qarax ka dhacay magaalo xeebeedka Boosaaso, ay ka dambaysay dowladda Qadar (Qatar).

Wargayska eedaas, waxuu sal uga dhigay wadahadal telefoon dhexmaray nin ganacsade reer Qadar ah, Khalifa Kayed al-Muhanadi, iyo Safiirka dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Danjire Xassan bin Xamza Hashem. Sida wargayska uu qoray, wada-sheekaysiga waxuu dhacay May 18, 2019 kaasoo ku beegan todobaad uun ka hor qaraxa ka dhacay Boosaaso.

Ganacsadaha reer Qadar, ayaa ku yiri Safiirka “Qaraxa iyo dilka waan garanaynaa cidda ka dambaysa,” isagoo sii wata hadalkiisa ayuu Mudane Al-Muhanad yiri “Saaxiibadeen ayaa ka dambeeyey qaraxii u dambeeyey.”

Ujeeddada laga lahaa qaraxaas, waxuu ku sheegay mid joogitaanka Imaaraadka Carbeed looga saarayo meesha (magaalada Boosaaso). “Ha eryeen qolyaha Imaaraadka, si aysan ugu cusboonaysiin heshiisyada, waxaanan heshiisyada keeni doonnaa halkan Dooxa,” ayuu yiri Muhanadi sida uu qoray wargeyska – The New York Times.

Dhanka kale, arrinka xiisaha leh ayaa ah, in wargeyska “The New York Times,” uu cadeeyey in codkaas wada-sheekaysiga uu duubay sirdoon wadan, ay is hayaan dalka Qadar. Taas oo loo fasirtay Imaaraadka Carbeed oo ah isha xogta, eeda loo jeedinayo dalka Qadar.

Marka dib loo celiyo waqtiga, waxaa jirta in xurgufta khaliijka ka bilaabatay kadib markii la jabsaday website-ka Wasaarada Warfaafinta Qadar, laguna qoray warar waxyeeleyay amaanka, iyo danaha qaranka dalkaas yar, balse saamaynta weyn ku leh dunida.

Jabsiga website-ka Qadar, waxuu dhacay Mach 24, 2017 wax yar kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu dhammeystiray kulan dheer oo looga hadlayey la-dagaallanka argagixisannimada oo uu la yeeshay hoggaamiyayaasha Khaliijka, (Independent – July 20, 2017).

Inkastoo bilowgii Madaxweyne Trump, uu rumaystay waxii lagu shubay, haddana dib ayuu uga joogsaday, kadib markii sirdoonka Maraykanka ogaadeen in ay aheed shirqool ay ka dambaysay Imaaraadka Carbabta.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad, ayaa yiri “Dowlada Qadar waxay soo saartay war saxaafadeed ay ku cadeyneyso ineysan ku sifoobin waxa uu qoray wargeyska New York Times.”

“Siyaasadda Arrimaha Dibedda ee Qadar ayaa had iyo jeer ahayd mid abuuraysa deganaansho iyo barwaaqo – kuma mashquulnno arrimaha gudaha ee dalal madax bannaan,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Warfaafinta Qadar. Sidoo kale, waxay balan qaaday in ay baaritaan ku samaynayaan Mudane Al-Muhanad.

Intaas wuxuu raaciyay wasiir Cawad, “Safiirkooda Muqdisho ayaa inoo yimid, sharaxaad badan ka dibna waan ku qanacnay,” (VOA Somali – July 23, 2019). Hase yeeshee, su’aasha waxay tahay maxaa hadda loo soo bandhigay fadeexadda? Maxaase ka run ah jiritaanka warkaan?

Khabiirada siyaasada gobolka, waxay rumeysan yihiin in Imaaraadka Carbabta dhibaato u aragto, xiriirka dhow ay dowladda Soomaaliya la leedahay Turkiga iyo Qadar. Waxay Abu Dhabi rumaysan tahay in dalalkaas caqabad ku yihiin qorshayaashii ay ka leedahay Soomaaliya.

War laga soo xigtay koox u dhaqdhaqaaqda xuquuqda aadanaha oo dacwad ku oogtay shirkadda NSO oo fadhigeedu yahay Israa’iil iyo Qubrus, ayaa sheegtay in kolkii hore “Pegasus sofware” Imaaraadka uu u adeegsaday in lagu basaaso kuwa kacdoonka siyaasadda ka wada gudaha iyo dibedda, iyada oo loo marayo taleefoonadooda gacanta.

Wargeyska wuxuu intaa raaciyay in “kadib markii loo soo jeediyay Imaaraadka in la casriyeyo teknoloojiyada ayay codsadeen in la gaarsiiyo awood ay ku dhegeysan karaan Amirka Qadar, kan Sacuudiga ee nabadsugidda ka mas’uulka ah, Ra’iisul-wasaaraha Lubnaan iyo tifaftiraha wargeys ka soo baxo dalka Ingiriiska,” (Haaretz – August 31, 2018).

Mudane Cigaal oo wax ka qora Soomaaliya ayaa yiri, “Imaaraadka markii ay ku fashilmeen xeeladdahii hore oo ay doonaysay inay jilbaha dhulka ugu dhigto dowladda Soomaaliya, miyeyasan tani ahayn isku-day hor leh,” Intaas wuxuu raaciyay in “ujeeddadu tahay si la iskaga hor-keeno, (1) Qadar iyo Soomaalida, (2) dowladda dhexe iyo mucaaradka.”

Balse, “Waqti dheer, Imaaraadku wuxuu sameenayey giraan ka badan nus dersin dekedo ganacsi ama saldhig milatari oo ku hareereysan Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo ay ku jirto saldhig militari oo weyn Assab, Ereteriya, oo loo adeegsaday in laga qaado hawl gallada Yemen,” (Al-Jazeera – July 23, 2019).

Imaaraadka Carabta, waxuu heshiisyo baal-marsan dowladda Soomaaliya la galay maamulada Somaliland iyo Puntland. Waxay saldhig ciidan ka samaysteen Berbera, raali la’aanta dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, Abu Dhabi waxuu khilaaf dekedaha kala dhaxeeyaa Jabuuti.

Intaas waxaa uga daran in “dowladda Soomaaliya ay maalinba maalinta ka dambeyso ka taag badaneyso – dhaqaale, siyaasad iyo diblomaasiyadba, kuwii ka horeeyey, taasina ay keeni karto in Abu Dhabi aysan helin waxa guracan ay raadineyso,” ayuu yiri Cabdalla Jaylani oo ka faallooda Geeska Afrika.

“Qaabka wada-sheekaysiga u dhacay, waxay u muuqataa, in ganacsadaha Al-Muhanadi uu ku shirqoolayay safiirka Xassan bin Xamza, isla-markaasna codka duubistiisa wax ka og’aa,” ayuu yiri Cigaal.

Wararaka ku wareegsan qaraxa waxaa sheegayey ganacsadaha, safiirkana waxuu ahaa mid dhagaysanayey. Halkaas waxaa ku jira tuhun ah, in sirdoonka duubayey iyo ganacsade Al-Muhanadi ay is ogaayeen. Eeda safiirka ayaa ah inuusan naqdin, taas waxaa loo fasiran karaa inuu ku anfariiray warka uu sheegayo ganacsade Al-Muhanadi.

Inkastoo, Wasaarada Arrimah Dibedda Itoobiya, ku gaabsatay inay baaritaan ku samaynayso cidii ka dambaysay in website-keeda la soo dhigo khariiradda Soomaaliya oo ku daraysa Itoobiya, isla- markaasna Somaliland u aqoonsanayso dal madax-banaan.

Khabiirada siyaasadda Geeska Afrika waxay rumeysan yihiin inay aheed mid wax lagu yeelanayey xiriirka isa soo taray ee ka dhaxeeye Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaasna waxay u muuqata in website-ka la jabsaday (Jamhuuriyadda – July 3, 2018).

Waxaa intaas dheer, in Muddane Aby Ahmed, mar uu ka hadlayey isku daygii afgambi fashilmay ayuu yiri “waxaa ka dambeeyay afgambigaan ciidamo calooshu u shaqaysta yaal ah,” taasoo loo fasiran karo dowladd shisheeye ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa agaasimaha Madaxtooyada u magacaabay Dr. Nuur Diiriye Xirsi (Fuursade) oo khabiir  ku ah culuunta kumbiyuutarka (computer science), xog-dhigista (date-base) iyo barnaamijyada la xiriira teknoolajiyadda. Tani waxay cadeen u tahay welwelka Villa Soomaaliya ay ka qabto in la jabsado xogta Qaranka.

Haddii uusan ahayn warka wargeyska lagu qortay “hal dhagax laba shinbir ku dil,” amase “fadeexee Qadar, fashilina Soomaaliya,” haddaba waa maxay ujeeddada kale oo ka dambeysa!?!

W/Q: Saciid Cabdisalaam iyo Cabdulqaadir Cariif Qassim

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid