Warbixin: Geedi & Gaas: Cadowgeyga cadowgiisu waa saaxiibkey (Kuma?)

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ka Qeybgalayay Aaska Marxuum C/risaaq Xaaji Xuseen, ayaa waxaa Wahilinayay Ra’isal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi.

Gaas ayaa wuxuu Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kala soo dagay ciidamo uu watay, waxaana kamid ahaa Wafdigii la socday Cali Maxamed Geedi oo kasoo duulay Magaalada Garoowe.

Siyaasiyiin badan ayaa isweydiinaya Cali Maxamed Geedi waxa uu ka yahay maamulka Putland. Sida la wada xasuusto Xiligii Cali Geedi uu Ra’isal Wasaare ahaa, Cabdullahi Yusuf waxay ku kala tageen Dagaal kadib markii Geedi uu dhunsaday Lacag garaysay 35$ Milyan oo boqortooyada Sucuudigu ay ugu deeqday Soomaaliya.

Khilaafkaas ayaa horseeday dhicitaankii Dowladdii Cabdullahi Yusuf, mana jirin xiriir fiican oo ka dhexeeyay Cali Geedi iyo beelaha dega Puntland oo ku eedeyn jiray inuu hormuud ka ahaa fashilkii dowladdii MarxuumCabdullahi Yusuf.

Cadowgeyga Cadowgiisu Waa Saaxiibkey

Isku lug darsashada iyo saaxiibtinimada aan meel fog jirin ee dhex martay beryahan dambe Cali M Geedi iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa lagu micneyn karaa inay tahay u midoobidda cadowgooda koowaad oo ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamud.

Sanadkii hore ayay aheyd markii “Mucaaradka” Dowladda Soomaaliya oo ay ka dhex muuqdaan Cali M Geedi, Yusuf Garaad iyo C/raxmaan Baadiyow ay Shirar looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya ku qabteen magaalooyinka Nairobi iyo Kampala. Waxaana xusid mudan in Saddexda Magac ee aan kor kusoo xusay, iyo Ragg kale lagu wada casuumay xafladii Xaleema saarka Cabdiwali Gaas.

Yusuf Garaad Cumar oo Madax ka ahaan jiray Laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa ka mid ahaa dadkii soo dhaweeyay Saaxiibadiis. Kooxdan Mucaaradka ah ayaa la filayaa inay Dowladda Soomaaliya ku xiraan shuruudo awood-qeybsi ah, haddii kale ay sii wadi doonaan mucaaradnimadooda ilaa ay Jilbaha dhulka ugu dhuftaan Dowladda Xasan Sheikh oo hada Daciif ah.

Isha: KON