25.6 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Warbixin: Halkee ayaa laga maamulaa colaada ka taagan gobolka Galgaduud?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya colaadaha dhiiga ku daatay ee ka taagan Gobolka Galgaduud kaa oo u dhexeeya beelo walaalo ah ee halkaa wada dega.

Colaadaha ka taagan Gobolka Galgaduud ayaa waxaa lagu eedeeyay Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Colaadaha oo salka ku haya aanooyin qabiil ayaa waxaa durbaanka u tumaaya mas’uuliyiin xilal ka haya dowlada iyo kuwo aan xilal ka heyn kuwaa oo hubka isugu dhiiba maleeshiyaadka labada dhan, isla markaana colaadu ay tahay mid laga maamulo magaalada Muqdisho.

Nabadoon Ciise Maxamuud Maxamed oo ka mid ah waxgaradka Gobolka Galgaduud oo wareysi siinaayay cod baahiyaha dalsan ayaa sheegay in dhibaatooyinka Colaadaha ah ee ka dhacaaya Gobolka Galgaduud ay yihiin kuwo ay ka danbeeyan mas’uuliyiin ka tirsan dowlada.

Nabadoon Ciise Maxamuud waxa uu intaa ku daray in Colaadaha ka jira Gobolka laga maamulaayo magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiinta labada dhinac ee dagaalka hurinaaya..

Waxa uu tilmaamay in Xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada ay dhaqaale ku bixiyaan colaada, hayeeshee aanu jirin cid isku xilqaantay is hortaaga colaada sii xoogeysaneysa.

Sidoo kale, madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay inay dagaalada ka jira Gobolka Galgaduud soo farageliyaan si xal looga gaaro dagaalada.

Dhinaca kale, waxaan weli la kala qaadin maleeshiyaadka uu dagaalka u dhexeeyay kuwaa oo si joogta ah isugu adeegsada hubka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News