Ka ganacsiga qamriga ka soo dega dekadda oo kusii baahaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dekadda Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maamulka Dekadda uu dhaqaale xoogan ku bedesho dajinta Qamriga noocyadiisa kala duwan.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Qamriga kasoo dega Dekadda Muqdisho si caadi ah loogu kala iibsado goobaha lagu qayilo ee magaalada.

Qamriga kasoo dega Dekadda ayaa waxaa si caadi ah loogu soo daabulaa Dekadda iyadoo laga soo dajiyo Maraakiib iyo doonyo u raran Ganacsato Soomaali ah.

Magaalada ayaa waxaa caado ka ah in lagu kala iibsado Qamriga, iyadoo lagu dhex iibiyo mootooyinka loo yaqaan Bajaajka.

Wasiirada, Xildhibaanada, Taliyayaasha, Saraakiisha iyo Ciidamada qaarkood ayaa kamid ah shaqsiyaadka isticmaala Qamriga, waxa ayna taa caado ka dhigtay inaan laga hortagin Qamriga kusii baahaya dalka.

Sidoo kale, waxyaabaha ka dhashay isticmaalka Qamriga ayaa waxaa kamid ah in xiliyada habeenkii waddooyinka Muqdisho ay buux dhaafiyan dhalinyaro sarqaansan.

Ma jirto cid gaara oo iska xilsaartay ka hortaga Qamriga qaababka Ganacsi uga soo dega Dekadda Muqdisho, oo xiligaani noqoneysa halka laga soo dajiyo waxyaabaha lagu qaso amniga sida Hubka qarsoodiga ah iyo daroogada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com