Video: Doorashada la filayo in ay berri ka dhacdo Kenya oo loo bixiyey magac yaab leh

Nairobi (Caasimada Online) – Waxaa Waddanka Kenya ku soo badanaya isticmaalka Diyaaradaha Helikobtarada ah kuwaas oo dadka shacabka ah iyo siyaasiyiintuba si xowli ah u isticmaalayaan haatan.

Siyaasiyiinta Waddanka Kenya ayaa barnaamijkooda ololaha doorashada waxa ay gaadiid ahaan u qaataan Helikobtarada si ay dhaqso u gaaraan goobaha ay doonayaan in ay ka ololeeyaan ka hor doorashada madaxtinimo ee lagu ballansan yahay 8 Bishan Agoosto.

Doorashada sanadkan ee Kenya ayaa loo bixiyay ‘Doorashadii Helikobtarrada’ maadaama hawada dalka oo dhan ay noqotay mid mashquul badan oo ay afarta dhinac u kala socdaan diyaarado Halikobtarro ah, waxaana illaa iyo haatan gaadiidka Helikobtarrada ah ee ay diiwaan gelisay laanta duulista hawada sare ee Kenya (KCAA) ay gaarayaan 86 Helikobtar.

Dadka siyaasiyiinta ah oo qura ma’ahan kuwa adeegsanaya diyaaradahan ee dadka caadiga ah xitaa waxaa saacaddii looga kireynayaa 3,000 Dollar, xilli dakhliga dhex dhexaadka ah ee qofka Kenyaatiga ah sanadkii uu yahay 1,380 Dollar sida lagu caddeeyay warbixin ka soo baxday Bankiga Adduunka.

Dhinaca kale dadka Kenyaatiga ah ayaa laga kari waayay inay ka fogaadaan diyaaradaha helikobtarada ah kolka ay soo degayaan iyo kolka ay duulayaan, iyagoo ku soo yaacaya, qaarkoodna dhagax qaruurax ah indhaha kaga seyrtay, waxaana qisadii ugu yaabka badneyd ay ahayd markii hadda ka hor wiil Kenyan ah uu Helikobtar duulaysa qabsaday oo birteeda ku dul fariistay xilli ay hawada gashay, waxaana lagu tusaaleeyay sida filimkii James Bond.