28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Warbixin: Internet-kii la siyaasadeeyey iyo xaqiiqda wixii Muqdisho ka dhacay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira tuhuno badan oo soo baxaya kuwaasi oo la xiriira baaqashadii shalay ku timid doodii la doonayay in loo qabtaa musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dooda loo qabanayo musharixiinta waxay ahaan laheyd sanadkaan mid ku cusub Soomaaliya, balse waxaa laga qabtaa badanaa wamada adduunka.

Tuhunada ugu badan ayaa soo ifbaxay markii habeen hore waqti hore magaalada Muqdisho qeybo kamid ah laga waayay internet-ka, waxaana magaalada netka ugu weyn ee laga adeegsado uu yahay Viber Optic.

Waxyaabaha shakiga weyn sii dhaliyay ayaa ahaa markii la isku qabtay kol sii horeysay cidda bixineysa aalada tabinta tooska ah ee dooda.

Waxaana isku hayay TV-qaranka Soomaaliya iyo shirkado kale oo qaarkood ay lahaayeen dad ajaaniib ah, waxaana qaar kamid ah madaxda warbaahinta madaxa banana laga dalbaday halkii Anjabi tabi lahaa dooda, in TV-ga qaranka tabiyaa oo warbaahinta kale ay Link-yo ka qaadataa.

Markii musharixiinta ay tageen xarunta golaha shacabka ayaa waxay durba is weydiiyeen labo su’aalood, waxaana ugu horeeyay in goobta xildhibaano aysan joogin iyo in warbaahino kale ineysan meesha ku arag.

Waxayna taasi dhalisay in musharixiinta ka caroodaan dooda oo gabi ahaanba ay isaga baxaan, waxayna durba bilaabeen in awood la’aan iyo yaraanta internet-ka uu yahay mid dowlada ay ka dambeysay oo la isla ogaa.

Waxay sidoo kale diideen in dooda laga duubaa, oo TV-ga qaranka Soomaaliya tafaftir ku sameeyaa, iyaga oo sheegay inay horseedi karto in hadaladooda qaar laga reebaa muuqaalka.

Guddoomiyaha guddiga doorashada madaxweynaha C/raxmaan Ducaale Beyle, ayaa laakiin saacado kadib markii dooda ay baaqatay Live ka noqday warbaahinta Soomaalida ee la iska arko.

Wuxuuna sheegay in dooda gabi ahaanba laga gudbayo, taasina ay muujineyso in lagu guul dareystay doodii iyo qorshaheedii.

Jaamac Axmed Maxamed oo ah khabiir isgaarsiinta caalamiga ah ayaa isaga oo la hadlahyay VOA wuxuu sheegay in ciladdaasi internet-ka aysan aheyn mid kaliya Soomaaliya ku koobneyd, balse ay saameysay dalal badan oo ku yaala bariga qaarada Africa.

Waxayna taasi meesha ka saareysaa shakigii badnaa ee laga qabay in qorshaha internet la’aanta uu ahaa mid si gaar ah loo waday.

Caasimada Online|
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News