Warbixin ku saabsan weriyayaal ka cararay dilalka Somalia.

Sanadkan aynu ku jirno ee 2012 bilowgiisii oo ahayd marki ay dib u bilowden dilalka iyo tacadiyadaha ka dhanka ahaa wariyaasha ka howlgala dalka  soomaaliya ayaa waxaa magaalada muqdisho iyo gobalada somaliya isaga cararay joojiyana shaqadooda dhawr wariye oo saameen ku lahaa ka shaqeynta warbaahinta kuwaa oo maciin biday safaro ay ku tageen wadamo u badan kuwa ku yaala qaarada afrika halka kuwana ay ku hamiyeen in ay ka gudbaan xuduud badeedka u dhaxeeya liibiya iyo talyaaniga, xili maankoodu ka guuxeysay weerarkii is qarxinta ahaa ee saaxibadood lagula eegtay maqaayad laga shaaho oo ku taala muqdisho.

Marka aynu hadaba ku hormarno 3di bilood ee ugu danbeysay wariyaasha gaaray dalka yugandha  ka mid ah wariye mahad cabdi maxamed shaakir oo kasoo kala shaqeeyay idaacadii hornafrik, danan iyo tvga s24, waxaa sidoo kale wariyasha isla dalkasi gaaray ku jira sakariye axmed muuse, axmed cali kaahiye iyo cabdi naasir qaliif oo ka kala howlgalayay shabelle, iyo kulmiye. Hadii aynu yugandha ugu sii gudubno wadanka dariska yihiin ee keynya uu isna marti galiyay wariyaasha kala ah nimco bashiir, sahro cabdulaahi iyo sharmake farax amiin oo kasoo kala shaqeeyay tvyada somali chanal, s24, iyo idacada kulmiye.

Anaga oo ku jirna weli wariyasha u baxsaday wadamada qarada afrika ayaa marka aynu eegnay kuwa tagay wadanka koofurta suudan waxan ka xusi karnaa cabdi qani cabdulahi, qamar, iyo axmed lafoole oo iyagu ka kala tirsanaa radiyaasha kulmiye, shabelle iyo risaala.

Dhanka kale waxaa jira wariyaal qatar nafsadeed u galay in ay tahriib bada ah ku galan wadanka talyaaniga sida wariyasha maxamed cabdi naxar iyo nuur shariif maxamed shaacir. Wariyaasha safaradaasi dhibka badan maray ayaa ku biiraya tiro wariyaal ah oo horay ugu sugnaa wadamada yugandha keynya iyo kofurta suudan halka tahriibka bada uu yahay mid wariyasha ku cusub xiligan.

W/Q: Shaakir Cabdi