Warbixin: Muxuu Cali Maxamed Geedi ka yiri heshiiska DF & Axmed Madobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi, ayaa ka hadlay heshiiskii Adis-ababa ku dhexmaray dowlada Soomaaliya iyo  Axmed  Madoobe, kaas oo ugu dambeyn lagu soo dhisay Maamulka Jabba.

Wuxuu guul ku tilmaamay go’aanka wada jirka ah oo ay garen dowlada Soomalaiya iyo maamulka Axmed Mdoobe ee Jubba, kaas oo ka shaqeyn doona Gobolada Jubbooynka iyo Gedo, waxaana uu sheegay in arintan ay gogol xar u tahay dhaqan galinta Nidaamka Federaalka Somalia.

Cali Maxamed Geedi, Ra’isul wasaarihii hore ee Soomaaliya Wuxuu sheegay in dowlada Soomaaliya iyo Maamulka Jubba looga fadhiyo dhaqan galinta iyo ka dhabeynta go’aankii ay Adis-Ababa kusoo saxiixdeen.

Dhaqan-gelinta dastuurka ayuu kusheegay in lagu gaari karo horumar iyo nabad sal adag oo dalka ka dhalata .

Geedi, oo inta badan looga bartay dhaleeceynta dowlada Soomaaliya , isagoona ku dhaliili jiray wax qabad la’aan ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay qaaday tilaab loo baahnaa oo muhiim ah waxaana uu ku dhira galiyay inay sii xoojiso dadaalka ay ugu jirto nabad kusoo dabaalidda dalka.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com