Warbixin: Sida ay xubnaha Aqalka Sare ula kala safan yihiin DF iyo maamullada

MUqdisho (Caasimada Online) – Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa Axadii dood kulul ka yeeshay khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada Dalka ka dhisan.

Qaar ka mid ah Senatarada oo ku kala qaybsamay khilaafkan, ayay dhex martay dood kulul, iyadoo ay qaarkood si buuxdo ula safteen Maamul Goboleedyada, sheegayna inay xaq u leeyihiin in ay shir isugu imaan karaan, halka qaarka kalena ay sheegeen inaanay danta dalka iyo dadkaba ku jirin in Maamul Goboleedyada, ay la yimaadaan siyaasad ka dhan ah midda Dowladda Federaalka.

Senatarada taabacsan Villa Somalia, ayaa waxay ku doodayan in mowqifka Maamul Goboleedyada ka qaateen Dowladda Dhexe, ay keeni karto kala qub qubnaan iyo dadkoo sii kala fogaada.

Senator Xasan Faarax Xujaale, ayaa Maamul Goboleedyada ku difaacay inay kulmi karaan xilli kasta, ayna ku kulmi karaan goob kastaa, oo ay isu waafaqsan yihiin, isla-markaana ay ka doodi karaan maslaxadooda.

Senator Xujaale, ayaa si kulul Madaxda Dowladda Somaliya ugu eedeeyay inay faragelin qaawan ku hayaan Maamul Goboleedyada, taasoo dhabaha u sii xaareysa in maamuladu ay siyaasad ahaan ka fogaadan Dowladda Dhexe.

Senator C/waaxid Cilmi Goonjeex oo ka mid ah Senataradii difaaceysay Dowladda Federaalka, ayaa sheegay inaanan xilligan loo baahnayn in Maamul Goboleedyadu la yimaadaan tallaabooyin liddi ku ah Dowladda Federaalka.

Goonjeex oo ka hadlayay doodda dhex martay labada garab ee Senatarada, ayaa Maamul Goboleedyada ku dhaliilay in waxa ay ka tirsanayan Dowladda Federaalka, aanay la wadaagin Labada Aqal ee Baarlamaanka, isla-markaana ay raaceen istiraatiijiyad u gaar ah.

Marwo Jawaahir Axmed Cilmi oo ka tirsan Senatarada Aqalka Sare ee laga soo doortay Galmudug, ayaa Golaha Aqalka Sare horgeysay qoraal ku saabsan khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Galmudug.

Jawaahir Axmed Cilmi, ayaa Xukuumadda Somaliya ku eedeysay in ay ka masuul tahay xiisadda siyaasadeed ee toddobaadyadii la soo dhaafay ka aloosneyd Magaalada Cadaado.

Jawaahir Axmed, ayaa ka codsatay Golaha Aqalka Sare in Xukuumadda Somaliya laga qabto faragelinta ay ku hayso Galmudug, haddii aan waxba laga qaban-na ay saamayn ku yeelan doonto Maamul Goboleedyada kale.

Jawaahir, ayaa ugu dambeen Madaxda Maamul Goboleedyada ugu baaqday in ay ka soo jawaabaan martiqaadkii uu u fidiyay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ee ahaa in 28-ka bishan ay shir isugu yimaadan Magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com