Warbixin: Sida uu u dhacay iyo cidda fulisa weerarkii lagu dilay gudoomiye ku…

Matabaan (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar jidgal ah oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Weerarka lagu dilayGuddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere), ayaa waxa uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmada Maxaas iyo magaalada Baladweyne, waxaana sidoo kale u dhintay saddex askari oo ka mid aheyd ilaaladiisa.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka tegay degmada Maxaas, waxaana uu kusii jeeday magaalada Baladweyne, hase yeeshee rag hubeysan ayaa la sheegay inay ka rasaaseeyeen gaarigii uu watay, islamarkaana dilka kadib ay qaateen gaarigii iyo hubkii uu watay.

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu dilay Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa, hase yeeshee wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in maleeshiyo beeleed ay dileen.

Allaha u naxariistee Guddoomiye ku xigeenkii degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan Faarax Nuur Guure (Faarax Dheere) ayaa sida la sheegay ku howlanaa xalinta dagaal beeleedyada kasoo cusbonaaday tuulooyinka hoostaga degmada Maxaas.

Caasimada Online
Xafiiska Beledweyne
Caasimada@live.com