Warbixin: Sidee Turkiga u kashifay tuugnimadii beesha caalamka ee Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Haddii aad dooneyso inaad ogaato sida kuwa sheegta beesha caalamka ay u yihiin tuugo iyo fallaago magaca umadda Soomaaliyeed lacag ku qaata kuna cuna, waxaa kugu filan oo kaliya inaad eegto barnaamijyada Turkiga ay ka fulinayaan Soomaaliya, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Dowladda Turkiga oo caawimaaddeeda Soomaaliya billowday qiyaastii lix sano ka hor, waxa ay Soomaaliya ka hir-gelisay mashruucyo waa weyn oo qof walba uu arki karo, sida garoomada diyaaradaha, dekedaha, waddooyinka, isbitaalo, xarumo dowladeed iyo mashaariic kale oo badan.

Hase yeeshee beesha caalamka oo sheegtay inay Soomaaliya caawineysa tan iyo sanaddii 1991-kii, ma jirto wax muuqda oo Soomaaliya ay u qabaty 25-kaas sano, oo maanta inta qof uu tago uu soo arki karo.

QM iyo hay’adaha ku xiran ee caalamiga ah,  intii u dhaxeysay 1991-kii illaa 2011 waxay magaca Soomaaliya kusoo qaateen 55 bilyan oo dollar. Lacagtaasi Soomaaliya xitaa kama soo gaarin hal bilyan, sida ay muujineyso qiyaas la sameeyey.

Taageerada ay beesha caalamka siiso Soomaaliya waxaa u badan kuwa la sheego in abaaraha iyo xaaladaha kale ee bani aadannimo ee dalka ka jira wax looga qabanayo.

Ma jiraan wax mashaariic ah oo la xiriira dib u dhiska dalka oo beesha caalamka ay Soomaaliya ka sameysay.

“Gargaraka bani aadannimo waa waxa ugu sahlan ee la musuq maasuqo, waayo way adag tahay in la ogaado haddii lacagta sidii loogu tala-galay loo bixiyey iyo in kale” Waxaa sidaas yiri Aadan Axmed Calas oo ah aqoonyahan degan Muqdisho

Sababta beesha caalamka aysan marnaba mashaariic dib u dhis uga fulin Soomaaliya ayaa lagu macneeyey, ayada oo ay adag tahay in lacag lagu soo qaado dib u dhis la musuq maasuqo, maadaama ay tahay waxqabad u baahan in la arko, oo sida gargaar la fidiyey aan afka un laga sheegi karin.

Madaxweyne Erdogan ayaa tan iyo markii uu billaabay caawimaadda Soomaaliya, waxa uu Soomaaliya u qorsheeyey 500 milyan dollar, oo lagu fulinayo howlo u badan dib u dhis, balse sidoo kale lagu taageerayo hay’adaha dowladda iyo ciidamada.

Qof kasta oo Muqdisho taga, wuxuu indhiisa ku arkaa wixii ay Turkiga qabteen shanti sano ee tagtay, hase yeeshee 25 sano ma jiro hal dhisme oo beesha caalamka ay sheegan karto inay Soomaaliya u dhistay.

Mashruuc kasta oo dib u dhis oo Turkiga ay ka fuliyaan Soomaaliya, wuxuu banaanka usoo saaraa wax qabad la’aanta, musuq maasuqa iyo tuugnimada kuwa sheegtay beesha caalamka ay ku hayaan Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com