XOG-Warran: Xiisado colaadeed oo ka dhex taagan Puntland iyo Somaliland

Xiisado Colaadeed ayaa ka dhex-taagan Maamulada Somaliland iyo Puntland, taasi oo ka dhalatay Booqashadii lama filaanka ahayd ee uu dorraad ku tagay Madaxweyne Siilaanyo Degmada Laas Qorey ee Gobolka Sanaag.

Booqashada Siilaanyo oo ahayd tii ugu horeysay oo Madaxweyne ka socda Maamulka Somaliland oo ku tago Degmada Laas Qorey, waxaana markii uu tagay la sheegay in uu kala kulmay Shacabka soo dhaweyn aad u ballaaran.

Markii uu tagay Siilaanyo Degmada, isaga iyo Wafdi Wasiiro ay ku jiraan ayaa waxa ay Shacabka Laas Qorey u sameeyeen Ballan-qaadyo ku aadan in Maamulka Somaliland uu Mashaariic Caafimaad iyo Waxbarasho ka fulin doonaan Degmada.

Madaxweyne Siilaanyo waxaa ku weheliyay Safarkiisa qaar kamid ah Golihiisa Wasiiradda oo ay kamid ahaayeen Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Xaaji Cali Cadami, Wasiirka Arimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Xaaji Cali.

Madaxweynaha Somaliland ayaa intii uu joogay degmadaasi wuxuu dhagax dhigay dekad laga hirgelinayo degmadda Laasqoray sidaasi oo kale wuxuu dhagax dhigay goobo Waxbarasho iyo Caafimaad.

Mudo Lix Saac ayuu dhex joogay Siilaanyo Gudaha Degmada Laasqoray, oo uu la kulmayay qeybaha kala duwan ee Bulshada Degmadaasi. Wararku waxa ay sheegayaan in Siilaanyo uu wali ku sugan yahay Gobolka Sanaag oo uu booqanayo Deegaano kale oo Puntland sheegato.

Puntland oo ka argagaxday Imaatinka Siilaanyo ee Laasqoray

Shacabka iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa Layaab iyo Argagax ku noqatay Booqashada Siilaanyo uu ku tagay dorrad Laasqoray, oo ah Degmo Xeeb ku taalla una dhaw Magaalada Boosaaso.

Saacado kadib, waxaa Shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indhaguran, waxaana uu sheegay inay aad uga argagaxeen imaatinka Siilaanyo ee Laasqoray.

Wuxuuna intaasi uu ku sii daray inaysan marnaba filayn in Madaxweynaha Somaliland uu imaanayo degmadda Laasqoray oo uu Wasiirku sheegay inay kaabiga ku hayso magaalo Ganacsiyeedka Puntland ee Boosaaso.

“Runtii Aad baan uga argagaxnay in Madaxweyne Siilaanyo uu yimaado Laasqoray, mana anan ogayn imaatinkiisa, Laasqorayna waa magaalo Puntland ka tirsan,” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlayay warfidiyeenka dhowr Saacadood kadib markii Siilaanyo uu ka laabtay Laasqoray.

Maamuladda Somaliland, Puntland & Khaatumo, ayaa ku muransan Lahaanshaha Goboladda Sool, Sanaag & Degmadda Buuhoodle, waxaana Murankaasi oo Muddo soo jiitamay uu sababay in dhowr Sano kahor magaalada Laascaanood oo xarunta u ah Gobolka Sool ay gacanta u gasho Maamulka Somaliland.

Isha: KON