Cadaado (Caasimadda Online) – Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulka Galmudug waxaa ka taagan xiisad Siyaasadeed oo meel xun gaartay, waxa ayna Xiisadan u dhaxeysaa Madaxda ugu sareysa Maamulka Galmudug gaar ahaan Madaxweynaha, Kuxigeenkiisa iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Xildhibaanada Galmudug ayaa labo dhinac u kala qeybsamay tan iyo markii xiisada banaanka usoo baxday, waxa ayna Xildhibaanada noqdeen kuwa la saftay Madaxweyne Xaaf iyo kuwa la saftay dhinaca kale ay hor boodayaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka.
Qaar kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa xilka ka qaaday Madaxweynaha Maamulkaasi Xaaf, waxaa sidoo kale jira Xildhibaano kale oo iyana qorsheenaya in ay xilka ka qaadaan Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka.
Xildhibaanada Galmudug ayaa faa’iido badan ka helaya Khilaafka meesha xun gaaray ee u dhaxeeya Madaxdooda, waxa ayna Xildhibaanadan helayaan dhaqaalo kaga imaanaya labada garab ee Siyaasada Galmudug isku haya.
Sida aan Wararka ku helnay Lacag badan ayaa la siiyay Xildhibaanadii dhawaan sheegay in Xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug, waxaa iyana balan qaad hada heesta Xildhibaanada taageersan Xaaf kuwaa oo iyana lacag lagu siinayo in Xilka ka tuuraan Cali Gacal iyo Carabey.
Xildhibaanada Galmudug ayaa xiligan ku jira xaalad kala jiid jiidasho ah, waxaana Xildhibaanada loo sameenayaa balan qaadyo maaliyadeed halka horumaris loo siinayo lacagao si loogu gaaro danta laga leeyahay iyaguna u gaaraan dantooda maaliyadeed .
Dhaqaalaha Xildhibaanada helayaan ayaa qaarkood waxa ay ka qaadanayaan Xubno damac ugu jira in Talada Galmudug la wareegaan marka meesha laga saaro Madaxweyne Xaaf, waxaana Cadaado hada la galiyay dhaqaalo aad u badan.
Magaalada Cadaado ayaa laga dareemayaa lacagta badan ee magaalada soo gashay ee lagu hurinayo Xiisada Siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, waxaana sii so coshada Xiisada Siyaasadeed ay tahay mid faa’iido ugu jirta Xildhibaanada Galmudug iyo magaalada Cadaado.
Madaxweyne Xaaf ayaa sidoo kale la tuhmayaa in dhaqaalo uu la tagay magaalada Cadaado uuna bixinayo dhaqaalo badan, waxaana xusid mudan in shacabka Galmudug ay abaar iyo baahi la dhibtoonayaan xili lacagtii loogu tala galay Cadaado micno daro loogu isticmaalayo.

