Itoobiya iyo Masar yaa u muhiimsan Soomaaliya? – Waxaa ka jawaabay Dalxa

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad ee dalka islamarkaana xubin ka ahaa baarlamaanka Carabta ayaa ka hadlay muranka wabiga Nile ee Itoobiya & Masar iyo tallaabada ay tahay inay qaado Soomaaa.

Dalxa oo wareysi siiyey Telefishinka Shabelle ayaa shaaca ka qaaday in labada dowladood ay is haya ay muhiimad gaar ah u leeyihiin Soomaaliya, loona baahan yahay in dowladdu ay ka fiirsato go’aanka ay qaadaneyso, maadaama labaduba ay xiriir nala leeyihiin.

“Waa laba dal oo haddane annaga midba midka kale innoo leeyahay muhiimad gaar ah. Itoobiya waxay innoo leedahay muhiimad gaar ah oo xuduuda ugu dheer ayey Soomaaliya, la leedahay, halka Masar oo maanta ah dal qadiimi ah oo xiriir soo jireen ah aan la leenahay,” ayuu wareysigaan ku yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa.

Sidoo kale wuxuu kula taliyey dowladda federaalka inay dhex-dhexaad ahaato, isla-markaana ay ilaaliso xiriirka ay la eedahay labadaasi waddan.

Waxa kale oo uu tusaale dhow u soo qaatay wabiyada Jubba iyo Shabelle oo uu sheegay inay ka yimaadaan Itoobiya, halka Masarna ay waxbarasho u joogaan arday Soomaaliyeed.

“Soomaali badan ayaa ku nool Masar oo waxbarasho ku heysto, sidaas oo kalena Itoobiya kama marna waxaa ka yimaada wabiyada Jubba iyo Shabelle. Marka labada dhinacbo Soomaaliya waxay ka mudan yihiin inay xiriir wanaagsan la yeelato” ayuu sii raaciyey.

Hadalkaan ayaa kusoo aadayo, ayada oo xiisadda u dhexeyso Addis Ababa iyo Qaahira ay gaartay meeshii ugu sarreysay, taas oo ka dhalatay biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Nile.

Si kastaba, dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay iska fogeysay inay Masar la safatay, kadib booqashadii uu madaxweyne Xasan ku tegay magaalada Qaahira ee dalkaas.