Wareysi: Odowaa oo markii ugu horreysay ka hadlay ciidankii loo adeegsaday weerarkii 19-ka Febraayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa markii u horeysay ka hadlay dhacdadii 19-Febraayo ee ciidamada dowladda ku rasaaseyeen banaan-baxayaal ay hogaaminayeen qaar ka mid ah musharaxiinta mucaaradka iyo weerarkii lagu qaaday madaxweynayaashii hore.

Jeneral Odowaa oo wareysi dhinacyo badan taabanaya siiyey idaacada VOA-da ayaa ugu horeyntii ku dooday ‘in dhacdooyinkii 19-kii Febraayo ay ahaayeen waajib lagu muujinayey dowladnimada dalka ka jirta’.

Odowaa oo u muuqda mid ka gaabsanaya ka warbixinta dhacdooyinkaas ayaa carabka ku adkeeyay in ciidamada qaranka uu waajib ka saaran yahay ka hortaga falkasta oo wiiqaya nabad-gelyada iyo jiritaanka dowladnimada.

“19-kii Febraayo waxaa dhacay, dad kamid ah ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo darajooyinka ugu sarreeya leh ayaa magaalada Muqdisho qeybo kamid ah intay tageen ayey ka cadeeyay inay ayaga la wareegeen oo wax dowladd ah aysan jirin. Waajib ayaa naga saaran xubin kasta ee ciidanka xooga oo ku kacda wax baal-marsan sharciga iyo nidaamka u yaala dalka,” ayuu yiri.

“Waa mas’uuliyad na-saaran in tallaabo ka qaadno cidkasta oo baalmarta sharciga iyo waxkasta oo qal-qal galinaya amniga dalka.”

Jeneraal Odowaa ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed aysan ku dhex milmin siyaasada, balse ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan tallaabo kasta oo horseedi karta amni darro, sida uu ku dooday.

Hadalkaan ayaa imanaya xili muddooyinkii dambe ay mas’uuliyiinta mucaaridka ku eedeynayeen madaxda waqtigooda dhamaaday inay dano siyaasadeed oo gaar ah u adeegsanayaan ciidamada dowladda, islamarkaana ay ka qeyb-qaateen tallaabooyin ka dhan ah mucaaridka.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isagu dhawaan shaaciyey in 19-kii Febraayo la qorsheeyey in la dilo isaga iyo madaxweynihii ka horeeyey Sheekh Shariif Sheekh Axmed, xilli ay ku sugnaayeen hotel ku dhex yaalla xeyndaabka madaxtooyada Soomaaliya.

“Dadka lagu dulmiyey ciidanka ee lagu amray inay soo dilaan ayaan ka mid ahay, waa joogaan saraakiishii, maalin ayaa la gaari doonaa la isla xisaabtami doono, ka fiirsada ayaan leenahay amarada la idiin siinayo.”