Wargeys caana oo sheegay sida uu Sacuudiga ka yeeli doono 18-ka qof ee dusha loo saaray dilka Khashoggi

London (Caasimada Online) – Wargeyska The Sun ee kasoo baxa dalka Britain ayaa qoray in laga cabsi qabo in dowlada Sacuudiga ay dil toogasho ah ku fuliso 18-kii xubnood katirsan Sirdoonka dalkaas ee fuliyay howlgalkii lagu dilay saxafi Jamal Kashoggi.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii Saraakiisha Turkiga ay soo bandhigeen in xubnahaasi ay ku lug leeyihiin dilka Saxafiga Jamal Kashoggi oo Bishan 2-da lagu dhex dilay Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul.

Wargeyska kale ee lagu magacaabo The Middle East ee  kasoo baxa dalka Britain waxa uu qoray in baarayaasha Turkiga ay haatan ka walaacsan yihiin in dowlada Sacuudiga ay dil ku fuliso eedeysanayaasha ka hor inta aan fursad loo siin in su’aalo la weydiiyo.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa xukunka degdega ah ee 18-ka xubnood Sirdoonka ah ee fuliyay dilka Jamal Kashoggi lagu micneeyay inay kasoo horjeedo in eedeysanayaasha wax laga weydiiyo qaabka uu dilka u dhacay, maadaama ay hayan macluumaad xaqiiqo ah.

Mid kamida eedeysanayaasha oo ka tirsan ciidanka cirka ee Sacuudiga laguna magacaabo Mashcal Sacad Al-Bostanni ayaa horay u geeriyooday kadib markii uu galay shil gaari.

Al-Bostanni, ayaa shilkaasi ku dhintay ka hor inta aan si qoto dheer loo baarin kiiska dilka Jamal Kashoggi oo markiisii hore ahaa mid ay dunidu aad ugu wareertay.

Geesta kale, Dowlada Turkiga ayaa tan iyo dhacdadani qorsheyneysay in eedeysanayaasha 18-ka ah lagu soo wareejiyo si loogu Maxkamadeeyo gudaha Turkiga.

Caasimada Online
Xafiiska London
Caasimada@live.com