Muqdisho: Wariye Cabdi Xareed oo la aasay & safiiro cambaareeyay dilkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) Allaha u naxariisto waxa maanta aas loogu sameeyay magaalada Muqdisho wariye Cabdi Xareed Cismaan Aadan oo saaka aroortii ay dhaawaceen kooxo hube

Wariyaha ayaa maanta barqadii waxa uu ku dhintay isbitaalka Madiinka isla markaana halkaas ayaa lagu aasay.

Waxa aaskiisa ka soo qaybgalay dad u badan wariyaal iyo ehelada marxuumka, kuwaasoo ay wajiyadooda ka muuqaneysay murugo iyo tiiraanyo.

Waxa goobta ka hadlay aggaasimaha Idaacadda Shabelle Cabdi Ismaacil Cabdi Cuud, waxana uu sheegay in marxuum Cabdi Xareed in uu ka mid ahaa shaqaalaha Idaacadda Shabelle isla markaana uu ahaa nin abwaan ah.

Wuxuu sheegay in la dhaawacay isagoo saaka aroortii ku soo jeeday shaqada Idaacadda oo uu akhrin lahaa Warka iyo barnaamijka barbaarinta carruurta.

Wuxuu kaloo sheegay in aysan ka warqabin kooxaha dilay marxuum Cabdi Xareed, isagoona intaas ku daray in ay dhowr jeer u sheegen in uu ka soo guuro degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa waxa uu ifka kaga tagay hal xaas iyo labo Carruur ah oo mid ka mid ah uu dhawaan dhashay.

Dhinaca kale, Safiirka dowladda Britain u qaabilsan Soomaaliya, Matt Baugh, ayaa cambaareeyay dilka wariye Cabdi Xareed Cismaan, wuxuuna dowladda ugu baaqay inay xaqiijiyaan la xisaabtanka dadka dikiisa ka dambeeyay.

Wuxuu sheegay inay muhiim tahay in la dhammeeyo isla xisaabtan la’aanta ku aaddan dilalka wariyeyaasha.

Ugu yaraan 18 wariye ayaa lagu dilay Soomaaliya sanadkii hore, wuxuuna wariyahan la dilay noqonayaa kii ugu horreeyay ee la dilo sanadkan 2013-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho