DEG DEG: Madaxweynaha Somalia oo ku sugan Minneapolis

Minneapolis (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ay gaareen magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in uu la hadlo caawa jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Minneapolis oo ah meesha ugu badan ay ku nooshay Soomaalida Maraykanka ku nool.

Wuxuu madaxweynaha kala hadli doonaa siddii jaaliyadda reer Minneapolis u dhisan lahaayeen waddankooda.

Booqashada madaxeynaha Minneapolis ayaa ku soo beegmeysa iyadoo madaxweynaha uu Khamiistii shaley kula kulmay magaalada Washington  madaxweyne Barack Obama iyo xoghayaha arrimaha dibedda  Hillary Clinton.

Dowladda Maraykanka ayaa aqoonsatay dowladda Soomaaliya, waxana wixii hadda ka dambeeya ay sheegtay xukuumadda Washington ay kula dhaqmi doonto Soomaaliya dal madax-banaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minnesota