Fariin Jaceyl & filinwaaga furiinka: 11 Gabdhood oo ka sir hadlaya ragooda

Assalaamu Alaykum.

Maanta iyo qoraalkeena waa sheeko xiiso badan oo xanbaarsan fariimo iyo duruus kala duwan oo noolasha qoyska ah. Ma’ahan qiso jacel oo aan dhicin oo lamatalaya. Waxaa sheekadan qeymo badan uyeelaya dhowr arimood sida labada qof ee isu jiibinaya sheekada, goorta ay dhacday iyo meesha ay kudhamaatay.

Waxaan codsanaya inaad sheekada dhamaysataan kadibna aad nala wadaagtaan waxyaabaha aad kafaa’idaysateen.

Sheekadii

11 gabdhood ayaa meel wada fadhiistey ayagoo isku dhaarsaday inay soo bandhigaan qaab-dhaqanka ragooda, kiisa xun iyo kiisa wanaagsan oo ay runta kasheegaan!

Talow shirkaan yaa kadanbeeyey? Wadankeesa kadhacay? 

Gabadhii 1aad

“Ninkeyga wax loogu dhinto malahan. Wuxuu lamid yahay hilib geel oo weyd (caato) ah oo buur korkeed saaran oo ay adagtahay in lagaaro! Dabeecad xumo wuxuu kaqabo dadka umayimaadaan, isagana uma wareego.Waa xerag lamasitaan aniga la’igu saliday!”

Gabadhii 2aad

“Ninkeyga warkiisa wuxuu kufiicantahey inaan isaga aamuso waayo waxaan kabaqayaa inaan waxba uhanbayn oo aan kutalaxtago! Sidaas darteed aniga hala’iga gudbo”

Gabadhii 3aad

“Ninkeygu waa nin dheer oo dhoohan oo aan garasho laheyn. Haddii aan hadlo waa furiin, haddii aan aamusana idhaqanmaayo! Dhibkeyga Allah umbaan usheegtaa”

Gabadhii 4aad

“Ninkeyga ma’ahan mid dabeecad kulul oo aan kacabsado,mana ah nin qabow oo aan ucabsi qabo! Noolashiis malal(cajis) kaqaadaysid!”

Gabadhii 5aad

“Ninkeyga marka uu guriga soogalo wuu shabeeleeyaa, marka uu kabaxayana wuu libaaxeeyaa! Wax uu nagala dardaarmayna dib nooma weydiyo”

Gabadhii 6aad

“Ninkeygu marka uu cuntaynayo waa marugsadaa(dhamaystaa) marka uu cabayanaa wuu heemaarsadaa(isku foorariyaa).Haddii uu saaxdana marada ayuu madaxa iyo minjaha kutuubtaa.Anigana ima soo dhugto bal inaan dhibaateysanahey iyo inkale. (Way kacabatay)

Gabadhii 7aad:

“Ninkeyga waa jilacow ay wax weliba dhibaayaan. Xumaan oo dhan ayuu kulansaday. Waa nin naago dil badan oo mar uu madaxa ijabinayo, ilkaha iga soo tuuro ama ijirdilayo ama labada isugu keydaro!”

Gabadhii 8aad:

“Ninkeygu wuxuu leeyahay taabasho macaan sida bakaylaha oo kale, iyo riix aad u udgoon sida geedka layirahdo Zarnab. Waa qof xarago iyo baraafuun badan!”

Gabadhii 9aad

“Ninkeyga deeqsinimo darteed wuxuu dagaa meel udhow golaha la’isugu yimaado siloogu soo hirto. Gurigiisa guryaha kale waa kaduwanyahay oo martida way soo bar aqoonsataa. Waa nin qabiilka dhexdiisa lagu qadariyo oo ra’yigiisa laqaato”

Gabadhii 10aad

“Ninkeyga waxaa layirahdaa Maalik. Alla haddii aad ogaanlaheydeen Maalik wuxuu yahay! Waxaad soo sheegteen oo dhan kafiicanyahey.Wuxuu leeyahey geel farabadan oo ufoofa meel kafogeyn guriga si martida looga sooro. Marka ay martida timaado, geela wuxuu garwaaqsadaa inuu halaagsamaya oo martiga loo qalaya”

Gabadhii 11aad

“Ninkeyga waxaa layirahdaa Abu Zarcin! Waxbadan ayaa idinku seegin Abu Zarci! Tin iyo cirib ayuu Dahab iiga buuxiyey!Wuu inaaxiyey markaas ayaan labo gidaar kaweynaadey. Wuxuu iga soo guursadey reer faqiir ah, wuxuuna ikeeney reer ilaahey siiyey aduunyo oo waxaan doona ayaa la’iiyeelaa. Waxaan doona ayaan kuhadlaa oo cidina iguma afceliso, Laygama diido waxaan codsado.Goorta aan doona ayaan hurtada katoosaa!

Hooyada Abu Zarcin oo aheyd qof cajiib ah,waxay laheyd weelal waaweyn oo had iyo jeer buuxa oo maritda lagu soora.

Wiilka Abu Zarcin ayaa mudan in laxuso. Wuxuu ahaa wiil yar oo dhuuban oo qurux Ilaahey kumaneystey oo hadana aad uciryar(cunto yar).

Gabadha Abu Zarcin… waxay aheyd qof waalidkeed baariyad u’ah oo dulqaad iyo qurux dumar loo dhamaystirey oo ay dumarka  kale kahinaasaan.

Xitaa shaqaalaha Abu Zarcin ayaa aheyd qof cajiib ah! Sirta nagama faafiso iyo cuntada iyo adeega gurigana kuma ciyaarto!

Waxaay arin sidaas ahaataba wuxuu Abu Zarcin ubaxay safar ayadoo beri-samaad lagu jiro. Wuxuu lakulmey islaan qurux badan oo 2wiil oo yaryar ciyaar siineyso.Waa rag iyo caadadiise inta aniga ifurey ayuu guursadey islaantii 2da wiil wadatey.

Abu Zarcin kadib waxaan udhaxay nin aad uqeymo badan oo maal qabeen ahaa.Wax Alle iyo waxaan ubaahdo ayuu farta iga saarey.Waxaan kunoolaa noolal tan ugu fiican laakinse haddii aan isu geeyo wuxuu isiiyey oo dhan mabuuxinkaraan weelka uguyar guriga Abu Zarcin.Hadaba waxaan kuu ahay sida Abu Zarcin u ahaa Ummu Zarcin” Ayuu kujawaabey Nabiga Salalaahu aleyhi Wasalim oo sheekadan kadhagaysanayey xaaskiisa da’da yar ee uu aadka ujeclaa, hooyo Caa’isha Radiyalahu Canhaa.

azuhriHadaba akhristow maxaad kafaa’idaysatay? Haddii aad nin tahay, raga meesha lagu sheegey keed isugu dhowdihiin?

Intaan dib dambe ukulmayno waa walaalkiin Adam Abdi Abuzuhri oo idinleh Soomaali ha israacdo, rabigeedna ha utowbadkeento. Abuzuhri1@gmail.com