Fowsiyo Xaaji Aadan oo ka hadashay xiriirka u billowday Somalia iyo USA

Minnasota (Caasimada Online)  Ra’iisul wasaare ku-xigeen, ahna wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadam ayaa ka hadashay xiriirka u billowday dowladaha Soomaaliya iyo Maraykanka.

Marwo Fowsiyo oo la hadashay idaacadda dowladda ayaa sheegtay in bog cusub uu u furmay xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Waxa kaloo ay sheegtay in wax lagu farxo ay tahay  aqoonsiha xukuumadda Washington ay siisay dowladda Soomaaliya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay labada dowladood ku heshiiyeen xoojinta xiriirka ka dhexeeya, wadashaqeynta iyo iskaashigooda.

Waxay sheegtay in xiriirka cusub ee u billowday Soomaaliya iyo Mareykanka uu horseedeyso horumar uu dalku gaaro.

Maraykanka ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu aqoonsaday dowladda Soomaaliya muddo 20-sano ah kaddib.

Waxa kaloo dowladda Maraykanka ay sheegtay in wixii hadda ka dambeeya Maraykanka uu kala dhaqmi doono Soomaaliya si dal madaxbanaan.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa hadda la hadlaya jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota.

Illaa dad ku dhow 4,700 qof oo Soomaali ah ayaa ku sugan xarunta uu madaxweynaha ku sugan isaga iyo wafdigiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi