Minnesota: Dibad baxyo ay wadaan beelo gaar ah oo ka socda halka uu ku sugan yahay madaxweyne Xasan

Minnesota (Caasimada Online) War hadda ku soo dhacay xafiiska wararka Caasimada Online ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in dibaxyo ka dhan ah booqashada uu madaxweynaha Soomaaliya ku joogo magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota .

Sida ay lee yihiin dad ku sugan Minneapolis ay sheegeen illaa dad ku dhow 60-qof oo wata boorar ay ku qoran yihiin waxan rabnaa in la dhaqangaliyo nidaamka Federaalka iyo in loo madaxbanaaneeyo gobalada Jubbooyinka siddii ay iyaga maamul u sameesan lahaayeen.

Inta badan dadka banaan baxaya ayaa u badan hal beel oo kasoo jeeda gobollada Jubbooyinka, in kasta oo qaar kasoo jeeda Puntland ay ku jiraan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa hadda waxa ay la hadlayaan kumanaan Soomaali ah oo ku sugan magaalada Minneapolis oo ah meesha ugu badan ee Soomaalida Maraykanka ku nooshahay.

Ilaa hadda wax rabshado ah lama soo sheegin oo ka dhacay halka ay ka socdaan mudaaharaadyada ee Minneapolis.

Wixii ku soo kordha warkan kala soco Caasimada Online.