25 kun oo askari oo loo tababarayo DF

Shir looga hadlayay arimaha amaanka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya ayaa wuxuu kusoo dhamaaday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ,halkaasi oo ay kaga qeyn galeen wasiiro ka tirsan xukuumada Shirdoon.

Masuuliyiinta ka socotay Midowga Africa,midowga Yurub,QM iyo madax kale ayaa ka qeyb galay kulanka oo ay soo qaban qaabisaydowlada dalka Turkiga,waxaana diirada lagu saaray amaanka iyo tababarka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Dhamaan masuuliyiintii ka qeyb galay kulanka ka dhacay magaalada Ankara ayaa waxay taageereen dib udhis lagu sameeyo ciidamada dowlada Soomaaliya iyo sidii looga qeyb qaadan lahaa ka teegirada dowlada Soomaaliya ee dhanka amaanka.

Kulanka kadib safirka Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa Idaacada Qaranka Soomaaliya u sheegay in looga hadlay kulankaasi tababarka ciidamada dowlada,isagoo sheegay in lagu hishiiyay in ku dhawaad 25 ,000 oo askari loo tababaro dowlada Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya waxaa kulanka u matalayay wasiirka gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya,waxaana dhawaan laba dowladood ee turkiga iyo Soomaaliya aya kala saxiixdeen hishiis dhanka Gaashaandhiga ahaa.