Wariye Coldoon oo maanta la hor geeyay maxkamada magaalada HARGAYSA

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in saaka Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon la hor geeyay Maxkamada Hargeysa ee Gobolka Maroodi-jeex .

Wariye Coldoon ayaa waxay ciidamada Somaliland kasoo qabteen magaalada Burco, iyagoo markii dambena u soo wareejiyey xabsi ku yaala Magalada Hargeysa, oo ku xiranyahay in ka badan 60-Maalmood.

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeysa ayey maanta si rasmiya uga bilaabatay dhageysiga dacwada Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Dacwadan ayaa socon doonta maalmaha soo socda sida ay noo xaqiijiyeen qareenada u doodaya Wariye Coldoon.

Xeer ilaalinta guud ee Somaliland ayaa hore usoo bandhigtay waraaq ay ku qoranyihiin eedeymaha loo haysto Coldoon, kuwaasi oo ay ka mid yihiin ku xad-gudubka gooni isu-taaga Somaliland.

Wariye Coldoon ayaa sidoo kale waxa lagu eedeyay inuu ceebeyn kula kacay dugsiga Abaarso iyo Mas’uuliyiintiisa, iyadoo xusid mudantahay in waraaqda xeer ilaalinta lagu xusay eedeyntan labo jeer.

Coldoon ayaa waxa kale oo lagu soo eedeyay inuu dacaayado ka baahiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, kaasi oo ku sheegay “Taliska Muuse Biixi waa Taliskii Cabdi Iley oo soo koraya”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com