JAMAAL CUSMAAN oo laga soo musaafuriyay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) — Wariye Jamaal Cismaan oo ka tirsan warbaahinta calamiga ah ee Channel 4 ayaa goordhoweyd laga soo musaafuriyay Garoowe oo shalay lagu xiray.

Sirdoonka Puntland ayaa shalay Wariye Jamaal ku xiray garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kadib uun markii uu kasoo degay garoonka, sida aan hore u baahinay.

Jamaal ayaa markaasi u bilaabatay su’aallo weydiin la xiriirta safarkiisa maamulkaasi uu ku tegay, waxaana duhurnimadii maanta laga soo musaafuriyay magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland.

Jamaal oo ku caan baxay ka waranka argagixisada iyo inuu si dad badan barahiisa bulshada ugu taageero Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in la saaray diyaarada Ethiopian Airweys oo Addis Ababa ku socotay.

Wariye Jamaal ayaa horey hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ay magaalada Muqdisho uga tarxiishay xilli uu booqasho ku yimid, iyada oo markaasi lagu haystay inuu buun-buunin u sameeyay kooxda Al-Shabaab.

Ninkaan ayaa lagu yaqaana buun-buuninta kooxaha xagjirka ah, isaga oo kal hore barnaamij uu kasoo duubay xarunta Al-Shabaab ee Jilib uu muujinayay in dadka ay nolol wanaagsan ku haystaan joogitaanka iyo ku hoos noolaanshaha kooxda, xilli ay dhiigga bulshada Soomaaliyeed u qubaan macno darro.

Si kastaba, Sirdoonka Puntland ayaa isna maanta qaatay go’aan lamid ah midkii hore loogu diiday inuu Jamaal ugu sii gudbo gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo uu xilligaan dalka ku jiro dagaal dhan walba oo ka dhan ah Al-Shabaab.