Warqad: Musuq-maasuqa DF ee shirkadaha Xajka iyo go’aanka Sacuudiga (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Muran xoogan ayaa ka taagan sidii xajka Soomaaliya lagu aadi lahaa kadib markii shaqsiyaad awood leh oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay billaabeen olole wax looga beddelayo shirkadihii dadka xajka u qaadi jiray.

Dowladda Soomaaliya oo fulineysa codsiga shaqsiyaadkan ayaa codsi u dirtay dowladda Sacuudiga, ayada oo doonaysa in ruqsad ogolaasho ah la siiyo shirkada Ocean oo dhowaan la aaas-aasay, meeshana looga saaro shirkadihii hore sida Jubba Airways iyo Daallo.

Shirkaddan ayaa waxaa saami ku leh rag aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Siyaad Maxamuud Shire, Cabdi Shakuur Cali Mire, oo ah xildhibaan iyo Cabairizaaq Shoole, oo ah agaasime ku xigeenka madaxtooyada.

Dowlada Sacuudi ayaa diiday inay ruqsad siiyo shirkadaha ay wataan raggan, waxeyna ku soo jawaabtay in dowladda Sacuudiga ay ogashahay kaliya shirkadaha Jubba iyo Daallo, oo muddo waday howshan.

Arrintan ayaa sidoo kale saameysay wasiirkii awqaafta iyo arrimaha diinta oo shaqadiisa ku waayey, kadib markii uu ka horyimid qorshaha ka dhanka ah shirkadaha Jubba iyo Daallo.

Tallaabadan ayaa loo arkay mid magaca ka dhaawaceysa dowladda, ayada oo u kala xaglineysa laba ganacsi oo ay kala leyihiin shaqsiyaad Soomaaliyeed, balse qabiil lagu kala doorbiday.