Gudoomiyaha maxkamadda sare oo markii u horeysay diray fariin hanjabaad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Baashe Axmed Yuusuf, ayaa markuu ugu horeysay diray hanjabaad ku aadan la dagaalanka shaqsiyaadka ku howlan falalka la xiriira musuqa.

Guddoomiye Baashe Yuusuf waxa uu sheegay in musuqa jira aawgii ay sameynayaan galal cusub waxa uuna ka digay in awooda Garsoorka loo adeegsado dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha waxa uu tilmaamay inay ku kordheyso dacwado lid ku ah Garsoorayaasha waxa uuna cadeeyay in mararka qaar loo soo gudbiyo shacab badan Garsoorayaal uu qariyay magacooda.

Waxa uu sheegay in Hay’adaha Garsoorka aysan aheyn goobo dhaqaalo loo soo doonto cid alaala iyo cidii ku fikireysana uu kula talinayo in ay shaqada isaga tagto oo ay Shaqooyin kale ka raadsato, sida uu hadalka u dhigay.

“Nidaamka maaha inaan ku dhabar jabino shacabkena cidii ka tirsan Garsoorka ee aan ku helnaa kiis laga abuurayo dhaqaale waxa ay muteysan doonta in la horgeeyo sharciga”

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaan halkaan u nimid in aan ugu adeegno Shacabka Soomaaliyeed si cadaalada ah balse umaanan imaan in aan dhaqaale ka tacbano ummada Soomaaliyed ee tabaaleysan sidaasi darteed cid alaala cidii Garsoorka dalka u timid in ay dhaqaalo ka sameysato, ha isaga tagto ee Ganacsi ama sahqooyin kale ha abuurato”.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in lagu kala bixi doono sharciga, isla markaana aysan dooneynin inay ku xadgudbaan shaqsiyaad gaar ah.

Haddalka Guddoomiyaha ayaa u muuqda mid lagu doonaayo in mugdiga looga saaro musuqa baahsan ee ka dhex jira Hay’adaha Garsoorka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com