Daawo: Wasaarada Amniga & Taliska Booliska oo beeniyay in RW Kheyre uu lahaa amarka ciidamada lagu geeyay Xarunta BF

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasaaradda amniga ee xukuumadda Somalia iyo sidoo kale taliska ciidanna Booliska ayaa si wadajir ah uga hadlay ciidan dheeri ah oo la geeyay xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Xasan Macalin Xuseen oo ah Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumada iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Gen Bashiir Cabdi Maxamed ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka ciidamada loo geeyay xarunta ay tahay keliya in la sugo amniga xarunta.

Wasiiru Dowlaha Amniga xukuumada iyo Taliyaha Booliska ayaa sheegay in sababta loo kordhiyay ciidamadu ay tahay xaqiijinta amniga, maadaama xarunta ay ka jiraan maalmahaan shirar xasaasi ah.

Xasan Macalin Xuseen wasiiru dowlaha Amniga ayaa ugu horeyn sheegay in wasaadu amartay in ciidanka suga Amniga xarunta ay taliskka Booliska geeyaan isagoo sheegay in ay Mas’uuliyad ka saarantahay sugida Amniga halka ay xildhibaanada ku shiraan ee Xarunta Golaha shacabka.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen, ayaa Warbaahinta u sheegay inaysan jirin ciidan gaar ah oo la wareegay xarunta, balse ciidamo cusub oo ka tirsan Booliska Soomaaliya in la geeyay xarunta Golaha Shacabka.

Wuxuu sheegay amar ka soo baxay Wasaaradda amniga in lagu geeyay ciidankaasi, balse aysan jirin xaalad kale oo ka taagan xarunta Golaha Shacabka.

Wuxuu meesha ka saaray in ciidan gaar ah ay qabsadeen xaruntaan, islamarkaana lala wareegay, balse wuxuu tilmaamay ciidamada ay yihiin kuwa isbedel lagu sameeyay, Duhurkii shalay.

Hadalkaan ka soo baxay Wasaaradda amniga iyo Taliska ciidanka Booliska ayaa meesha ka saaraya hadalkii Gudoomiye Jawaari ee ahaa in ciidanka Militariga ay la wareegeen gacan ku haynta xarunta Golaha Shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com