Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa soo saartay qoraal ay ciwaan uga dhigtay “Ku Guulayso Abaalmarinta Wasaaradda Gaashaandhigga”, iyadoo raadineysa sawirrada qaar ka mid ah wasiirradii hore ee soo maray wasaaradda.
Wasaaradda ayaa sheegtay in la bilaabay uruurinta taariikhdii wasaaradda, sidaas darteedna ay lagama maarmaan noqotay in la raadiyo sawirrada wasiirradii soo xukumay Wasaaradda Gaashaandhigga laga soo bilaabo sanadkii 1960-kii ilaa 2009-kii.
Sidoo kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa qoraalkeeda ku soo bandhigtay magacyada sideed wasiir oo wasaaradda soo maray, kuwaas oo ehelladooda laga codsaday inay keenaan haddii ay hayaan sawirro, si loogu daro taariikhda la keydinayo.
Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga XFS:
Wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bilowday uruurinta taariikhda iyo sooyaalka wasaaradda iyo sidoo kale xogta la xiriirta wasiirradii soo maray tan iyo 1960-kii.
Sidaas awgeed, waxay si xushmad iyo qadarin leh uga codsanaysaa dhammaan ehellada, asxaabta iyo cid kasta oo haysta sawirro rasmi ah ama taariikhi ah oo la xiriira wasiirradii hore ee Gaashaandhigga ee hoos ku xusan, inay nala soo wadaagaan.
Sawirradaasi waxa loo ururinayaa keydka taariikhiga ah ee wasaaradda, waxaana lagu maamuusi doonaa doorkii taariikheed ee ay ka soo qaateen difaaca Qaranka.
Ciddii keenta sawirro tayo leh oo la xiriira wasiirradaas waxay ku mutaysan doontaa abaalmarin, iyadoo loo qadarinayo sida ay u soo kala horreeyeen.
Wasiirradii hore ee Gaashaandhigga ee xogtooda iyo sawiradooda la raadinayo waxay kala yihiin:
- H.E. Sheekh Cali Ismaaciil (1961–1962)
- H.E. Hilowle Macallin Maxamed (1962–1964)
- H.E. Xaaji Yuusuf Iimaan Guuleed (1967–1969)
- H.E. Cabdullaahi Muuse Boqor (2000)
- H.E. Cabdiwahaab Maxamed Xuseen (2000–2003)
- H.E. Aadan Axmed Cabdi (2003–2004)
- H.E. Cabdiraxmaan Maxamuud Cali (2004–2006)
- H.E. Muxiyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim (2008–2009)
Fadlan nala soo xiriir:
📧 Email: [email protected]
📞 Lambarka Wasaaradda: 0613000317