Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashadda Soomaaliya ayaa amar waxa ay duldhigay Dugsiyada waxbarashada ee ku yaala dalka.
Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan dugsiyadda waxbarashadda ee ku yaalla dalka ay si deg deg ah isaga diwaangaliyaan wasaaradda waxbarashada xarumaheeda kala duwan ee ku yaalla dalka.
Wasaarada waxbarashada Soomaaliya ayaa qoraalkeeda ku sheegtay in ay muhiim tahay inay iskuullada is-diiwaan galiyaan, islamarkaana laga doonaayo in ay sidaas ku sameeyaan ilaa 30-k bishaan si loo ogaado tiradooda iyo tayadooda.
Lama oga sida ay dugsiyada waxbarashada ee ku yaalla dalka ugu falcelin doonaan amarkan.