Sawiro: Sacuudi Carabiya oo qaaday tallaabo ka dhan ah qarannimada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Dowladda boqortooyada Sacuudiga ayaa marti qaad rasmi ah u fidisay madaxweynaha maamulka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tegay gudaha dalkaasi .

Sacuudiga ayaa diyaarad qaas ah u soo diray wafdiga uu hoggaaminayo madaxweyne Biixi, taas oo ka qaaday garoonka magaalada Hargeysa ee xarunta maamulkaasi.

Afhayeenka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Ducaale oo ka warbixiyey socdaalkan ayaa sheegay in madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu Sacuudiga ku tegay Baasaboorka Somaliland, islamarkaana ay tahay markii ugu horreysay uu madaxweyne reer Somaliland ah ku tago Sacuudiga Baasaboorka maamulkaasi.

Maxamuud Ducaale ayaa tallaabadan ku tilmaamay horumar laga sameeyey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu safarkiisa uu qotomo soo gudashada waajibaadka Xajka, kadibna uu guda geli doono kulamo uu la qaadanayo madaxda sare ee dalka Sacuudiga, kuwaas oo looga hadli doono xiriirka labada dhinac.

Tallabada ay qaaday dowladda Sacuudiga ayaa ah mid wax u dhimeyso Qaranimada Soomaaliya, maadaama Somaliland ay qeyb tahay Soomaaliya, islamarkaana aan loola macaamli karin sida dal madax banaan oo kale.

Dhowaan dowladda Somaaliya ayaa xiriirka u jartay Guinea, kadib markii ay casuumaad heer sare ah u sameysay madaxweynaha maamulkaasi oo booqasho ku tegay gudaha dalkaasi.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com