25.8 C
Mogadishu
Saturday, June 14, 2025

Washington Post iyo New York Times: Israel wax weyn ma gaarsiin nukliyeerka IRAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Tehran (Caasimada Onlien) – Israel ayaa waxyeello gaarsiisay mid ka mid ah xarumaha ugu muhiimsan ee barnaamijka nukliyeerka Iran, iyadoo sidoo kalena dishay tiro saraakiil ciidan iyo khubaro nukliyeer ah oo sar-sare, kadib weerarro billowday subaxnimadii Jimcaha. Hase yeeshee, marka ay qorraxdu soo baxday weerarka kaddib, waxaa sidoo kale caddaatay in qayb badan oo ka mid ah barnaamijka nukliyeerka Iran ay weli taagan tahay — ugu yaraan waqtigan la joogo.

Weerarada Israa’iil ayaa la rumeysan yahay inay si gaar ah u beegsadeen xarun sare oo koronto iyo warshad wax-soo-saar oo shidaal nukliyeer ah, kuwaas oo ku yaalla xarunta ugu weyn ee kobcinta uranium-ka ee Natanz.

Dilalka lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah saynisyahannada ugu sarreeya Iran ayaa qayb ka ah olole muddo dheer socda oo ay Israa’iil ku beegsaneyso aqoonta muhiimka u ah dhismaha bam nukliyeer.

Wejiga koowaad ee weerarka Israa’iil — oo ay ku jireen 100 diyaaradood oo dagaal ah, gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) — ayaan taaban Isfahan, inkastoo ay tahay mid ka mid ah xarumaha nukliyeerka ugu waaweyn dalka Iran. Sida laga soo xigtay sirdoonka reer Galbeedka, Isfahan waxa kale oo lagu tuhmayo inay tahay xarun cilmi-baaris hub oo qarsoodi ah.

Ciidamada Difaaca Israa’iil (IDF) ayaa galabnimadii Jimcaha sheegay in weerarkii labaad lagu beegsaday Isfahan, balse aan la taaban kaydka shidaalka nukliyeerka.

Inkastoo mas’uuliyiinta Israa’iil ay u dabaal-degeen guusha hawlgalka dhinaca farsamada, haddana Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uma muuqdo mid u dhow gaarista himiladiisa istiraatiijiyadeed ee ah in Iran laga xoreeyo awoodda nukliyeerka, sida ay qabaan falanqeeyayaal.

Taa beddelkeeda, waxay sheegeen in Netanyahu uu khatar ku gelinayo Bariga Dhexe dagaal dheer, uu colaad hor leh ka abuuro waddamo Carbeed oo uu xiriir ka doonayay, isla markaana uu wiiqo dadaallada Madaxweyne Donald Trump uu hormuudka ka yahay ee lagu doonayo heshiis nukliyeer oo waara — heshiis ay xukuumadda Israa’iil hore u oggolaatay in uu lama huraan u yahay xal rasmi ah.

Wareysi uu siiyay telefishinka Israa’iil, la-taliyaha amniga qaranka Netanyahu, Tzachi Hanegbi, ayaa Jimcihii sheegay in barnaamijka nukliyeerka Iran “aan lagu burburin karin xoog milatari,” balse Israa’iil ay ku guuleysatay inay dib u dhigto horumarka Iran.

“Lama burburin karo rabitaanka ay Iran u leedahay inay dib u soo kabato oo mar kale u dhaqaaqdo bartilmaameedka ah in la burburiyo Israa’iil,” ayuu Hanegbi ka yiri barnaamijka “Meet the Press” ee Channel 12.

“Kaliya Mareykanka ayaa taas samayn kara. Kaliya Madaxweyne Trump ayaa keeni kara waxa loo yaqaan ‘heshiis wanaagsan’ — mid ay Iran si ikhtiyaari ah ugu joojiso barnaamijkeeda hubka nukliyeerka, uga bixiso qiimo culus, balse sidoo kalena hesha faa’iidooyin weyn.”

Iran waxay ku adkaysatay in barnaamijkeeda nukliyeerka uu yahay mid nabadeed.

Madaxweyne Trump ayaa Jimcihii baraha bulshada ee uu leeyahay, Truth Social, ku sheegay inuu rajaynayo in Iran ay ku soo laabato miiska wadaxaajoodka ka hor inta aysan wajahin weerarro kale oo Israa’iil ah oo sababa in “aanay waxba ka harin.”

Wakiilka Trump u qaabilsan Bariga Dhexe, Steve Witkoff, oo la qorsheynayay inuu Axadda u duulo Cumaan si uu ula kulmo dhiggiisa Iran, ayaan wax isbeddel ah ku samayn safarkiisa, sida ay sheegeen mas’uuliyiin Mareykan ah.

Balse Tehran ayaa ku dhawaaqday inay si aan waqti cayiman lahayn u hakisay wadaxaajoodkii, iyadoo Maraykanka ku eedaysay inuu door ku lahaa “isku-dubaridkii iyo oggolaanshihii” weerarka Israa’iil. Fiidnimadii Jimcaha, Iran ayaa duqeysay Israa’iil iyadoo gantaallo ku garaacday magaalooyin ay ka mid tahay Tel Aviv.

Ellie Geranmayeh, ku-xigeenka agaasimaha barnaamijka Bariga Dhexe ee Golaha Yurub ee Arrimaha Dibadda (ECFR), ayaa sheegtay in fikirka ah in cadaadiska milatari ee Israa’iil uu kordhinayo awoodda gorgortanka Mareykanka uu yahay “si qaldan oo loo fahmay maskaxda hoggaanka Iran.”

- Advertisement -

Read more

Local News