27.8 C
Mogadishu
Friday, June 6, 2025

Washington Post oo ka digay qorshe Aqalka Cad uu ka damacsan yahay Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Maraykanku weligiis uma muuqan inuu si sax ah u wajahayo Soomaaliya. Muddo tobannaan sano ah, xiriirka Mareykanka iyo dalka saboolka ah balse istiraatiijiga ah ee ku yaalla Geeska Afrika wuxuu raacay hal qaab: faragelin xooggan oo ay ku xigto dayac. Xilliyada dayaca, rabshadaha iyo argagaxisadu ayaa si dhakhso ah u xidideysta, iyagoo khatar ku ah xasilloonida guud ee gobolka. Ugu dambeyntiina, Mareykanka ayaa lagu khasbaa inuu dib ugu soo laabto.

Hadda mar kale, Mareykanku wuxuu u muuqdaa inuu maraya marxalad dayac cusub oo ku wajahan Soomaaliya, taasoo khatar gelin karta danihiisa gobolka iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.

Maamulka Trump ayaa hadda ku guda jira dib-u-habeyn ballaaran oo lagu sameynayo siyaasadda Mareykanka ee Afrika, isagoo si weyn u jaraya gargaarka dibadda isla markaana hoos u dhigaya tababarrada la siiyo ciidamada maxalliga ah ee dagaalka kula jira kooxaha argagixisada ah ee xiriirka la leh al-Qaacida iyo Daacish. Qorshuhu waa in la yareeyo joogitaanka tooska ah ee Mareykanka, iyadoo lagu beddelayo taageero farsamo iyo sirdoon dheeraad ah oo la siiyo ciidamada Afrikaanka ah. “Waxaan diiradda saaraynay in aan xoojino awood siinta halkii laga abuuri lahaa ku-tiirsanaan,” ayuu yiri General Michael Langley oo ah madaxa Taliska Mareykanka ee Afrika (Africom).

Qorshaha cusub ee Wasiirka Difaaca Pete Hegseth ee miisaaniyadda milatariga ayaa dhaqaalaha dib ugu wareejinaya arrimaha mudnaanta u leh Madaxweyne Trump, sida hawlgallada xadka koonfureed ee Mareykanka iyo casriyeynta hubka nukliyeerka. Africom, oo kormeeraya kumannaan askari oo Mareykan ah oo ka hawlgala qaaradda Afrika, ma ahan mid mudnaan gaar ah leh oo ku jirta qorshahan.

Waaa xaqiiq, in dib-u-habeyn qaarkeed laga yaabo inay ku habboon tahay qaaradda. Sanadkii hore, hoggaamiyeyaasha militariga ee Niger—oo xukunka kula wareegay afgambi dhacay 2023—waxay Mareykanka ka codsadeen inuu ciidamadiisa kala baxo Agadez, oo ahayd saldhig weyn oo lagu wajaho argagaxisada. In ka badan kun askari oo Mareykan ah ayaa halkaa hore uga fulin jiray howlgallo ka dhan ah kacdoonka Islaamiga ah ee ka socday guud ahaan gobolka Saaxil. Sannadkii la soo dhaafay, ciidamada Ruushka ayaa la wareegay saldhiggii Mareykanka.

Laakiin Soomaaliya, Mareykanka laguma khasbin inuu baxo – wuxuu ka tagayaa si uu ula jaanqaado mudnaanta cusub ee Aqalka Cad. Sanadkan, iyadoo qeyb ka ah qorshaha Trump ee hakinta gargaarka dibadda, Mareykanku wuxuu jaray maalgelintii lagu taageerayay cutubka gaarka ah ee ciidamada Soomaaliya ee Danab. Danab waxay ahayd ciidanka ugu wax-tarka badan ee dowladda Soomaaliya ay ku wajahdo al-Shabaab, laanta ugu halista badan ee al-Qaacida. Iyadoo laga jaray $1.5 bilyan oo doollar sanadkii oo uu Mareykanku horay u bixin jiray, dowladda Soomaaliya oo dhaqaale xumo wajahaysa ayaa ku dhibtooneysa bixinta mushaarka ciidanka Danab. Mareykanka sidoo kale wuxuu dhimay taageeradii uu siiyay howlgalka nabad-ilaalinta Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ka bixitaanka Soomaaliya xilligan waa mid halis ah, maadaama al-Shabaab ay hadda qaadayso weerarro joogto ah. Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, waxay la wareegeen magaalooyin muhiim ah, waxayna hadda ka hawlgalaan ku dhowaad saddex meelood meel dalka. Sida ay sheegtay hay’adda ACLED (Armed Conflict Location and Event Data), al-Shabaab waxay u badan tahay in ay weerarradooda bishii Febraayo bilaabeen si ay uga faa’iideystaan meelaha amni-darro ka jirto ee ka dhashay bixitaanka ciidamada Midowga Afrika iyo joojinta taageerada Mareykanka. Weeraradooda ka dhacay gobolka Hirshabeelle waxay sare u qaadeen walaaca laga qabo in kooxda ay u jihaysato caasimadda Muqdisho, oo qiyaastii 200 mayl ka xigta koonfur. Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho ayaa la duqeeyay bishii Abriil.

Al-Shabaab sidoo kale waxay beegsatay bartilmaameedyo Mareykan ah. Tusaale ahaan, weerarkii 2020 ka dhacay saldhig Mareykan ah oo ku yaalla Kenya wuxuu sababay dhimashada saddex qof oo Mareykan ah. Kooxdaasi xitaa waxay qorsheeyeen weerar la mid ah kii 9/11 oo lagu qaado gudaha Mareykanka.

Dad badan oo Mareykan ah waxay u arkaan Soomaaliya inay tahay meel fog oo aan muhiimad weyn lahayn. Balse runta ayaa ah in Soomaaliya ay ku taallo meel istiraatiiji ah oo muhiim u ah Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, iyada oo laga galo Badda Cas. Burcad-badeednimadii Soomaalida ee billowgii 2000-meeyadii waxay carqaladeysay maraakiibtii ganacsiga caalamiga ah, iyadoo ay waxyeello dhaqaale oo malaayiin doollar ah sababtay. Dhinaca kale ee Gacanka waxaa ku yaalla Yemen, oo ay gacanta ku hayaan fallaagada Xuutiyiinta ee taageerada ka helaya Iran, kuwaasoo dagaal dadban kula jira Israel iyo Mareykanka.

Taariikhdu waxay marar badan muujisay masiibooyinka ka dhasha marka Mareykanku ka jeesto Soomaaliya.

Xilligii Dagaalkii Qaboobaa ee 1980-meeyadii, Mareykanku wuxuu ahaa saaxiib dhow oo uu lahaa kaligii-taliyihii Maxamed Siyaad Barre – ilaa burburkii Midowgii Soofiyeeti sanadkii 1991, markaasoo Mareykanku xiriirka u jaray si uu uga jawaabo xadgudubyadii Xuquuqda Aadanaha. Xirirkaasi wuxuu hakad galay illaa 1992, markaasoo Mareykanku ciidamo u diray si uu uga jawaabo macaluul baahsan oo ka dhalatay kooxo hubeysan oo dhaca raashiinka gargaarka. Faragelintaasi waxay ku dhammaatay si murugo leh sanadkii 1993, kaddib dagaalkii Muqdisho oo lagu riday laba diyaaradood oo Black Hawk ah, meydadkii askarta Mareykanka ahna waddooyinka lagu jiiday.

Mareykanku wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya kaddib weerarradii 9/11 iyo markii al-Shabaab ay soo baxday oo noqotay mid ka mid ah laamaha ugu khatarta badan ee al-Qaacida. Balse Trump, dhammaadkii xilligii koowaad ee xilkiisa, wuxuu amray in la saaro ku dhawaad 700 askari oo Mareykan ah oo ku sugnaa Soomaaliya, isagoo fulinaya ballanqaadkiisa ahaa in uu soo afjaro dagaallada dibadda. Bixitaankaasi wuxuu si weyn u wiiqay awooddii Mareykanka ee la dagaallanka argagixisada. Markii al-Shabaab xoogeysatay, Madaxweyne Joe Biden wuxuu dib ugu celiyay Soomaaliya boqollaal askari oo Mareykan ah. Hadda, Trump wuxuu mar kale doonayaa inuu ciidamadaas dib uga saaro dalka.

Soomaaliya waa dowlad daciif ah, waxaana taageerada Mareykanka ay ka hortagtay in ay u rogto mid burburtay. Sida casharka Afghanistan uu dunida tusay, marka dowlad fashilantay noqoto saldhig argagixiso, khatartaasi kuma koobna gobolka – waxay si toos ah u taaban kartaa gudaha Mareykanka.

Faalladan waxaa qoray guddiga tifaftirka ee wargeyska Washington Post. 

- Advertisement -

Read more

Local News