Beene-Beene oo faahfaahin ka bixiyay amarka lagu soo rogay hay’adaha gar-gaarka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-Beene ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay amarkii shalay kasoo baxay wasaaradiisa ee ku socday hay’addaha gar-gaarka iyo horumarinta.

Wasiir Beene-Beene oo wareysi siiyay Universal Tv ayaa sheegay in warqadii shalay uu soo saaray ay lahayd laba ujeedo oo kala ah; In hay’addahaas usoo guuran gudaha Soomaaliya iyo hay’addaha qeybaheeda kala duwan la shaqeeya dowladda in shirarkood aysan ku qaban karin meel ka baxsan Soomaaliya.

Waxa uu xusay in wasaaradda aysan waajib ka dhigayn in hay’addahaas ay xarumo ka furtaan caasimada oo kaliya, balse ay shardi tahay inay usoo guuran gudaha dalka, ayna ka degi karaan gobol kasta iyo degmadii ay rabaan.

“Hay’addaha xafiisyadooda ka furan yihiin wadamada deriska ee raba inay Soomaaliya ka shaqeeyaan ayaa farriin adag u direynay waxaa rabna inay gudaha Soomaaliya usoo guuran meesha ay doonaan ha ka degaan. Shirarka la qabanayo waa in gudaha Soomaaliya ka dhaca oo aan banaanka shirar loo geyn si hoteellada iyo ganacsiyada Soomaaliyeed ugu faa’iidaan.”

Wasiirka Qorsheynta ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in amarkaan uu xoojinayo awaamiir dhowr sanno kahor kasoo baxday wasaaradda, maadama ay weli jiraan hay’addo aan u hogaansamin awaamiirtaas sidaasna ugu qabteen muddo laba bil ah.

“Hay’addo badan oo markaas aqbalay oo soo guuray ayaa jira, qaar kale oo weli soo guurin oo howlahoodii shaqo ka qabta Soomaaliya ayaa jira. Intii hore usoo degtay (gudaha dalka) waa u mahad-celinayna inta dhimana waxa ku amrayna in gebi ahaanba soo xiraan xafiisyada wadanka banaankiisa ku yaalla, si ay qeyb uga noqdaan howlaha ka socda deegaanada la xoreeyay.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Hay’addii ama qofkii dhaqaale ku helo Soomaaliya waxaa rabna in dalka uu soo dego, taasna waa shey aad ugu gorgortami karno oo muhiimadeeda aad noogu weyn tahay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in lagama maarman tahay in shaqaalaha ay qaadanayaan hay’addahaan ay noqdaan dad Soomaali ah, islamarkaana aysan ka yeeli doonin in shaqo uu qaban karo Soomaali loogu yeerto ajnabi, sida uu hadalka u dhigay.

War-saxaafadeed shalay kasoo baxay wasaaradda qorsheynta ayaa waxa lagu sheegay in hay’addahaas loo qabtay si ay u fuliyaan amarkaan muddo laga bilaabo 30 Janaayo 2023 illaa 31 Maarso 2023.

Go’aankan cusub ayay ku sheegtay wasaaraddu inay qaadatay ayada oo la tix-gelinayo xaalada amni ee waddanka oo soo hagaageysa kadib howl-galada guuleystay ee ka dhanka ah argagixisada.