Wasiir Beyle oo saxiixay dhaqaale xoogan oo uu ka gudoomay Bankiga adduunka (Cadadka)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xafiiskiisa Wasaarada ku qaabilay Wafdi ka socday Bankiga Aduunka.

Wasiirka iyo wafdiga ayaa si qoto dheer uga wadahadlay saraqaad lagu sameeyo howlaha Bankiga Dhexe ee Somalia iyo hanaanka Somalia looga cafin lahaa deymaha malaayiinka ah ee lagu leeyahay.

Wasiirka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in wafdiga uu Hogaaminaayay madaxa Bankiga Aduunka u qaabilsan Somalia uu aad ula dhacay sida ay dowlada Somalia uga hortageyso ku tagrifalka lacagaha.

Wasiir Beyle waxa uu tilmaamay in wafdiga ay aad usoo dhaweeyen ka shaqeynta sida Somalia looga cafin lahaa deymaha lagu leeyahay, waxa uuna tilmaamay in dowlada qudheeda aysan ka gaabin doonin dadaalka looga dulqaadi lahaa deymaha kusii kordhaaya.

Wasiir Beyle ayaa isla kulanka ku saxiixay lacag dhan 1 Milyan oo dollar-ka Mareykanka ah oo Bandiga aduunka uu ugu tala galay dadka ay abaauru saameeyeen iyo dadka kale ee danta yarta ah.

Sidoo kale, waxa uu xusay in ay muhiim tahay in Bangiga uu xoojinayo taageerada Somalia uu siinayo, maadaama ay jiraan isbedelo dhowr ah.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhowr bil ka hor maamulka Bankiga adduunka uu sheegay in Somalia ay ka caawin doonaan dhanka dhaqaalaha.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com