Wasiir Ducaale oo caawa hub ka dejiyey Dhuusomareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale, ayaa caawa maqribkii ka dagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb.

Wasiirka ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyay Saraakiil ka socotay howlgalka midowga Afrika ee AMISOM iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Sidoo kale dayaaradda uu la socday wasiir Islow ayaa waxaa saarnaa hub iyo saanad ciidan oo aad u badan, oo loogu talo-galay ciidamada ay maanta dowladda gaysay magaalada Dhuusomareeeb.

Hubkii laga dajiyay diyaaradaas ayaa lagu daabulay gudaha magaalada Dhuusamareeb, gaar ahaan guriga madaxtooyada u ahaan jiray Madaxweyne Xaaf, haatana ay daganyihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka.

Ciidamada dowladda ee saakay laga dajiyay Dhuusamareeb iyo kuwii horay ugu sugnaay ayaa caawa heegan la galiyay, waxayna la wareegeen amaanka dhamaan xarumaha muhiimka ah ee magaalada.

Caasimada Online
Xaafiiska Dhuusamareeb
Caasimada@live.com