Wasiir Ducaale oo shaqada ka joojiyey agaasimihii wasaaradda amniga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka amniga xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Islow (Ducaale) ayaa shaqada ka  joojiyey agaasimihii guud ee wasaaraddaasi, Yuusuf Cali Maxamed.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiir Ducaale oo shalay ku taariikheysneyd ayaa waxaa si KMG ah xilkan loogu magacaabay, Axmed Cabdi Kooshin.

Sidoo kale warqadan ayaa lagu sheegay  in wasiirku tixgeliyay ahmiyada Agaasimaha Guud u leedahay  dhismaha iyo hannaanka shaqo ee wasaaradda iyo baahida loo qabo howlaha shaqo ee Wasaaradda Amniga Gudaha iyo go’aankii Golaha wasiirada ku baabi’iyeen Xoghayaha Joogtada wasaaradda.

Agaasimaha shaqada laga joojiyey ee Yuusuf Cali Maxmed ayaa muddo dheer hayey xilkaasi.

Inkastoo qoraalka faafintiisa ay soo baxday shalay oo ku beegneyd 17 bisha Agosto, hadana shaqo joojinta Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Amniga ayaa dhacday 7-dii bishan 10 maalmood ka hor maalinta warqada rasmiga ah ka soo baxday Xafiiska Wasiirka

Halkan hoose ka aqriso