26.1 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Wasiir Fiqi iyo Juxa oo ay ka dhex tafatay, iskuna qaaday weerar xun kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Puntland, Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa weerar afka ah isku qaaday.

Labada wasiir oo mid walba difaacaya dowladdiisa, ayaa waxaa weerarka ku horreeyay Juxa oo dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inay sabab u tahay sumcad xumada liidata ee baasaboorka Soomaaliya.

Juxa ayaa si yaab leh u yiri: “Baasaboorkii ugu liitay adduunka xagga socdaalka ayaa dadkiisa ciqaab iyo shar looga dhigay. Marka taladu gacan qura iyo meel qura gasho, waxay noqotaa shar ummadeed.”

Fiqi oo si weyn uga carooday hadalka Juxa, ayaa isna dhiniciisa maamulka Puntland ku tilmaamay “shufto”, isagoo mas’uuliyadda sumcada xumada baasaboorka dusha uga tuuray ficilada qaldan ee hoggaanka Puntland.

“Waddan aad maraakiibtii badda maraysay ee si sharciga ah u socotay aad afduubanayso, weliba si xishood darro ah aad ku leedahay waa ‘qaniimo’, miyaa baasaboorkiisa dadaal kasta oo lagu bixiyo lagu hagaajin karaa ama kor u kici karaa!? Hashu ayadaa cunta oo caytamaysana!” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Ma aha markii ugu horreysay ee mas’uul ka tirsan dowladda federaalka iyo mid kale oo ka tirsan Puntland ay xiisad ka dhex dhalato, ayna isugu jawaabaan baraha bulshada. Haddana waxaa ceeb iyo murugo leh in mas’uul Soomaaliyeed uu ku tunto sumcadda baasaboorka dalkiisa.

Sanadihii dambe, siyaasadda ku dhisan aflagaado iyo is-weerar ayaa caan ka noqotay gudaha Soomaaliya, iyadoo aysan jirin xeerar ama anshax celinaya mas’uuliyiinta dowladda. Taas oo muujinaysaa in madaxda sare ee dalka ay raali ka yihiin, ama iyagu rabaan in dartood loo shaqsi caayo mas’uul kale oo ay is-hayaan.

Bilo ka hor ayey ahayd markii Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, si shaqsi ah u aflagaadeeyay, isagoo su’aal geliyay dhalashadiisa, kuna tilmaamay “qof marxuum ah” iyo mid ka mid ah dadkii lagaga qaxay magaalada Muqdisho 1991-kii, sida uu hadalka u dhigay.

Inkastoo Puntland ay markaas la kulantay dhaleeceyn xooggan, isla markaana eedeymo culus loo jeediyay xukuumadda Puntland ee uu ka tirsan yahay Wasiirka, iyada oo dad badan ay ka caroodeen gef-ka uu ku kacay, haddana illaa maanta wuu ka tirsan yahay xukuumadda Saciid Deni.

- Advertisement -

Read more

Local News