Daawo: Fiqi oo JAWAAB kulul ka bixiyey HADALKII yaabka lahaa ee Mahad Karataay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii kasoo yeeray Sheekh Mahad Warsame (Karataay) oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab, kaas oo sheegay in qaraxyadii ka dhacay Zoobe ay la beegsadeen xarunta wasaaradda waxbarashada, islamarkaana ay ku dileen 69 ka mid ah askarta dowladda Soomaaliya.

Fiqi ayaa sheegay in Mahad Karataay uu yahay nin tuug ah, islamarkaana ku faanayo daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay

“Mahad Karataaygii tuugga ahaa wuxuu ku faanay in 100 ruux uu ku dilay qaraxyadii Zoobe wuxuu yiri wasaaradda waxbarashada ayaan u socday wasaaradda waxbarashada yaa joogo? arday iyo waalid” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray “Waa nin ma naxe ah, waa ninka rabo inuu cabo dhiiga dadka shacabka ah,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in qaraxyadii Al-Shabaab ay la beegsadeen wasaaradda waxbarashada ee agagaarka Zoobe ay caddeynayaan inay taarged u yihiin dadka aqoonta leh ee Soomaaliyeed maadaama ay weerareen goobtii waxbarashada.

“Wasaaradda waxbarashada ciidan ma joogo furin dagaal ma’aha ardayda Soomaaliyeed marka ha ogaadaan kuwa jaamacadaha dhigta oo danuhu ka geli lahaayeen iyo kuwa iskuulada dhigta iyo waalidkuba nimaankaas inay yiraahdeen dadka aqoonta leh meeshii aqoonka Soomaaliya laga hagayey baa taarget noo aheyd, waana helnay” ayuu makale yiri.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadii Zoobe, islamarkaana shaacisay in ay khasaare ku gaarsiisay dowladda Soomaaliya.