Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta kulan miro-dhal ah Muqdisho kula yeeshay safiirka Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah.
Fiqi iyo Danjire Richard H. Riley ayaa kulankooda si gaar ah diiradda ugu saaray iskaashiga amniga Soomaaliya iyo Mareykanka ee soo jireenka ah iyo xoojinta xiriirka qotoda dheer ee labada dhinac.
Wasiirka cusub ee Gaashaanhigga oo ka warbixiyay kulanka uu la yeeshay safiirka Mareykanka ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyay taageerada milatari ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan ka qayb-qaadashada howlgallada ka dhanka ah argagixisada.
Fiqi ayaa sidoo kale Mareykanka ka dalbaday inuu sare u qaado xiriirka dhanka difaaca ee uu la leeyahay Soomaaliya, si loo soo afjaro kooxaha argagixisada ah ee ku sugan dalka.
“Waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmo Amb. Riley. Mareykanka ayaa weli ah saaxiibka dhinaca ammaanka ka taageera Soomaaliya, Waxaan si weyn uga mahadcelineynaa taageerada joogtada ah ay nasiiyaan waxaana rajeyneynaa inaan sare u qaadno xiriirka difaaca annaga oo iska kaashanayna dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish” ayuu ku yiri qoraal uu soo saaray Wasiir Fiqi soo dhigay bartiisa X.
Kulankan ayaa kusoo aadayo, xilli uu haatan meel adag marayo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo sii xoogeystay, kadib markii ay kooxda culus saartay labada Shabelle, gaar ahaan deegaannadii horay looga qabsaday oo mar kae ay dib ula wareegtay.
Sidaan oo kale safiirka Mareykanka ayaa shalay kulan ula yeeshay madaxweynihii hore ee dalka Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay ka wada-hadleen doorasooyinka dalka, amniga iyo dagaalka lagula jiro maleeshyaadka Kooxda Al-Shabaab.
“Waxaan maanta kulan kuwada yeelanay Magaaladda Muqdisho safiirka dowladda Mareykanka ee Soomaaliya U.S. Embassy Mogadishu, ambassador Richard Riley, innagoo kulankeenna diiradda ku saarnay xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga, siyaaasadda iyo sida ay muhiim ugu tahay horrumarinta geedi-socodka dowlad dhiska iyadoo ay mar walba saldhig u tahay xasillooni siyaasadeed” ayuu isna qoraal ku yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee ku jira dagaalka, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka.