FIQI oo sheegay in 30 sano kadib calanka Soomaaliya laga dejin doono Hargeysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo xalay ka hadlay munaasabad ka dhacday Muqdisho ayaa ka hadlay qaddiyadda Somaliland, isaga oo sheegay in 30 sano kadib calanka Soomaaliya la geyn doono Hargeysa.

Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay  soo afjari doonto wux uu ugu yeeray ruwaayadda 30 sano jirsatay ee uu kala jeedo gooni isku taagga Somaliland.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in haatan dowladda Soomaaliya ay  ka go’an tahay in lasoo celiyo midnimada Soomaaliya, Somaliland-na ay qeyb ka noqoto dowladnimada dalka.

Hadalkan ayaa wasiirku waxa uu ka sheegay bandhigga buuqa Hadhiwaa oo uu qoray Maxamed Haldoor oo ka yimid magaalada Hargeysa, isaga oo sheegay in Haldoor inta uu jiro caafimaadka dalka dibaddiisa calanka buluugga ah la gayn doono Somaliland.

“Waxaan arkayay Maxamed oo calankii Soomaaliyeed oo dusha laga saaaray oo xooggaa yar yax yaxaya. Haka yax yaxin, intaad caafimaad ku maqan tahay, ayaa calanka Hargeysaa la gaynayaa. cid ku taabanaysa ma jirto.” ayuu khudbaddiisa yiri wasiir Fiqi.

Wasiir Fiqi ayaa sidoo kale horay uga jawaabay hadal kaftan u muuqda oo guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Feysal Cali Waraabe uu ka qoray masuuliyiin uu ku jiro Fiqi.

Guddoomiye Feysal ayaa bartiisa Twitterka ku qoray in Axmed Macalin Fiqi, Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Cabdiraxmaan Odawaa ay soo xirteen dhar  ay ‘bililiqeysteen sanadkii 1991-kii markii ay burburtay dowladnimada Soomaaliya.

Fiqi ayaa isna ku jawaabay “Balse Fiqi wuxuu sheegay in ayaguna ay ku mashquulsan yihiin sidii ay ugu cadeyn lahaayeen masuuliyiinta Somaliland “beenta ay bulshada u sheegayeen muddo 30 sano ah.”

Si kastaba, hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan wada-hadallo u dhexeeyay dowladda dhexe iyo Somaliland ay ka billowdeen dalka Jabuuti, kuwaas oo uu qayb ka ahaan wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin oo qayb ka ahaan wafdigii Xasan Sheekh.